Tuesday 16 February 2010

Wada Hadaladii Dowlada iyo Ahlu Sunna uga Socday Addis Ababa oo Wareegii Labaad Galay (Qodobo Hordhac ah oo La isku Raacay)

Inkastoo saxaafada laga mamnuucay kulankan amaankana si aad ah loo adkeeyey, haddana xog muhim ah oo RBC Radio ka heleyso ilo wareed lagu kalsoonaan karo oo ku sugan madasha ayaa sheegaysa in shirka loo qeybiyey labo wareeg oo kala ah mid looga xaajoonayo mideynta qorshaha dagaalka iyo ciidanka iyo qorshe ku saabsan in Ahlu Sunna si rasmi ah dowlada ugu biirto.

Addis Ababa, (RBC Radio) Wada hadalo u dhexeeya saraakiil ka kala socota dowlada ku meel gaarka iyo ururka Ahlu Sunna ayaa ka soconaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kuwaasi oo looga hadlayo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.
Wada hadaladan oo hadda galay maalintii afraad ayaa labada dhinac waxaa u kala meteleysa saraakiil sare oo dhinaca ciidamada ah kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya shirka u socda dowlada iyo Ahlu Sunna.
Wararka laga helayo madasha shirku ka socdo ayaa xaqiijinaya in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay si weyn diirada loo saaray sida loo mideyn karo ciidamada labada dhinac isla markaana loo habeyn lahaa qorshaha dagaal ee dowlada iyo Ahlu Sunna gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha mucaaradka.
Wareega hore ee shirka ayaa loo badinayaa in la isku afgartay, waxaana labada dhinac ay kaga doodeen qodobo ku saabsab:
- In la mideeyo xoogaga Ahlu Sunna iyo ciidamada dowlada, gaar ahaan gobolada dhexe oo ay Ahlu Sunna joogto.
- In Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa dowlada si wadajir ah uga qeybgalaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Xisbul Islaam, isla markaana gacanta lagu soo celiyo degmooyinka iyo gobolada aan hadda ku jirin gacanta dowlada.

- In hawlgalka labada dhinac ee lagu mideynayo ciidamada ay ka bilaabato gobolka Hiiraan oo haatan wada joogaan labada dhinac.
Warar kale ayaa sheegaya in saraakiisha dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna ee kulankan kaga qeybgalaya magaalada Addis Ababa ay isku afgarteen in dowlada ay bixiso rasaasta lagu dagaalamayo isla markaana dhinaca saadka laga taageero Ahlu Sunna.
Ilo wareedyada u waramay RBC Radio waxay xaqiijiyeen in qodobada la isku raacay ee qorshaha dagaalka ay ka mid tahay in wada tashiyada dagaalka ay wax ku yeeshaan saraakiisha Ahlu Sunna ee dhinaca ciidamada maadaama ay hore uga soo qeybqaateen dagaalo lagu jabiyey Al Shabaab oo ka dhacay gobolada dhexe. Waxaa sidoo kale saraakiisha Ahlu Sunna ay soo jeediyeen in General Maxamed Nuur Galaal uuka mid noqdo hogaamiyaasha dagaalka cusub ee ka dhanka ah mucaaradka.
Waxaa hadda loo gudbiyey wareega labaad ee kulanka oo noqonaya midka ugu adag, maadaama looga hadlayo awood qeybsi dhexmara dowlada haddii ay labada dhinac ku heshiiyaan.
Sarkaal ku dhow kulanka oo ku sugan Addis Ababa ayaa RBC Radio u sheegay in saraakiisha dowlada ay ka codsadeen Ahlu Sunna inay si buuxda dowlada uga mid noqoto iyo in saraakiisha Ahlu Sunna loo magacaabo jagooyin ay ka qataan dowlada.
Ka doodista qodobadan dambe ayaa maanta la guda galayaa iyadoo guddi gaar ah loo saaray inay arintan ka doodaan ka dibna soo diyaariyaan waxyaabaha ay isku raacsan yihiin.
Lama oga in ururka Ahlu Sunna uu aqbali doono ka mid noqoshada rasmiga ah ee dowlada, walow labada dhinac ay ka mideysan yihiin ka hortegida Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo labaduba cadow u ah. Waxaana laga yaabaa in go’aan qaadashada qodobada qaarkood loo soo gudbiyo masuuliyiinta sare ee labada dhinac oo ku sugan gudaha dalka gaar ahaan madaxda dowlada ee joogta Muqdisho iyo hogaanka Ahlu Sunna eek u sugan gobolada dhexe.
Shirkan oo ah mid muhim u ah dowlada iyo Ahlu Sunna ayaa waxaa dhinac walba uu ku dadaalayaa sidii natiijo wanaagsan uga soo bixi lahayd wada xaajoodka socda, iyadoo xiriiro toos ah ay sameynayaa saraakiisha shirka u joogta dowlada iyo Ahlu Sunna.
Dhinaca kale waxaa shirka goob joog ka ah xubno diblomaasiyiin ah oo ka socda beesha caalamka, Midowga Afrika iyo dowlada Ethiopia kuwaasi oo ku dadaalaya in ugu dambeyn natiijo buuxda laga gaaro wada hadalka. Waxaana wada tashiyada si toos ah ula socda diblomaasiyiinta kor jooga ah.
Beesha caalamka iyo Midowga Afrika ayaa u arka Ahlu Sunna inay tahay fursad muhim ah oo ay heysato dowlada Soomaaliya maadaama ay Ahlu Sunna tahay awood hubeysan oo iska caabin karta Al Shabaab sidaasi darteedna waxaa si aad xooga loo saarayaa in kulankan ku heshiiyaan dowlada iyo Ahlu Sunna, waxaana Midowga Afrika ballanqaaday inuu taageeri doono waxyaabaha ay ku heeshiyaan.
Waxaa soo baxaya warar hoose oo tilmaamaya in heshiiska ay wada gaaraan labada dhinac ay qeyb ahaa dowlada Ethiopia balan qaadayso in ay taageero buuxda ay u fidin doonto dowlada iyo Ahlu Sunna si loola dagaalamo kooxaha dowlada mucaaradsan. Hore ayaa dowlada Ethiopia waxay taageeri u siin jirtay dowlada iyo Ahlu Sunna oo ka dagaalama gobolada dhexe ee dalka.
Haddii wada hadalan hadda ka socda magaalada Addis Ababa ay ku soo dhamaadaan is afgarad waxay horseed u noqon kartaa guluf colaadeed oo ay dowlada qorsheynso inay ku qaado mucaaradka ka soo horjeeda kaasi oo waayadanba si weyn loo hadalhayo.
Si kastaba maalmaha soo socda ayaa la filayaa in wada xaajoodkan uu soo dhamaado laguna dhawaaqo heshiiska ay wada gaareen labada dhinac.
Xaamud Sheekh Xasan
RBC Radio
email: xaamud@raxanreeb.com
Tel: +2521 5-095885

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...