Wednesday 24 February 2010

Ugu yaraan 7 qofood oo u badna ardey ayaa ku dhawacmey iska hor imaad dhexmarey ciidamada Dowlada dhexdooda magalada muqdisho


Dagaal u dhaxeeya Ciidamada ka wada tirsan dowlada ayaa manta mar qura ka qarxey inta u dhaxeysa Villa Baydhabo ee magalada Muqdisho iyo KM5 taas oo salka ku heysa dhac loo geystey Ardeyda dugsiya oo qeyb ka mida ay boob kula dhaqaaqeen iyo kuwa kale oo ka celanayey balse nasiib daro waxa ku dhawacmey ilaa 8 ruux oo u badan ardeydii iskulaadka iyo macalimiintoodii.
Ugu horeyntii ayey jidka lamiga ah bartamihiisa ka bilaabeen dhac baahsan ciidamada dowlada ee halkaasi ku sugna qararkood oo ay ardeyda iyo bacalimiinta oo xiligaas laga soo fasaxey iskuulaadki kaga qadanayeen wax kasta oo ay siteen, ka dibna waxaa ardeydii ay u dacwoodeen ciidamo kale oo aan halkasi ka fogeyn intaas ka diba ay ku dgalameen cidamadi dhaca geysanayey iyo kuwii ka celinayey kaas oo keenay in ay dhawacmaan dad rayida oo u badan ardeydii iskuuladaka oo garaya ilaa 8 ruux.
3 caruura iyo hooyadood ayaa hal meel ku dhawcamey xili ay ka soo baxeen iskuul sidoo kale dhowr macalin ayaa ku dhawacmey ayakuna iyo dad kale oo ka dhowaa halkaasi ay ku dagalamayeen cidamada dowlada isla markasna ma jirin wax soo kala garey ciidamadii dagalku dhexmarey.
Mana aha markii ugu horeysey ee cidamada dowlada Somaliya ay dhexdooda ku dgalaman jodadka muqdisho ay ka joogaan, waxaana jirey in marar daban u dhacey sidaan oo kale lakin ay qaar badan oo ka mida ku geriyoon jireen iyo waliba dagalka oo uga duwan dhac bareera oo ay dhexdooda ku dagalmaan si loo badbaadiyo shacabka

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...