Mar aan saaka booqday suuqyadii ay dadkaasi dib ugu soo laabteen oo aan ka wareystay sababta ay dib ugu soo laabteen ayay ii sheegeen in maamulku amar ku siiyay in ay dagaan suuqweynihii hore ee magaalada kismaayo oo ku yaal xaafadda calanley islamarkaasina ay bixiyaan lacag dhan $1600 taa oo ay dadkaasi sheegeen in aysa awoodi Karin in ay bixiyaal lacag intaasi la eg, waxana ay sheegeen in ay dibu ugu soo laabteen goobahoodii iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin talaabo walba oo uu maamulku qaado madama ay sheegeen in aysan heysan gobo kale oo ay ku ganacsadaan.Suuqa ayaa waxa saaka lagu arkayaa iyadoo ay si weyn u soo buux dhaafiyeen ganacsatadii kala duwanayd ee dhawaan laga burburiyay goobahoodii ganacsi sida ganacsatada dhar, qudaarta iyo weliba kuwa kale ee ka ganacsatada bagaashka, iyadoo dadkaasi cabasho ballaaran ka muujiyeen qaabka uu maamulku ula dhaqmay, waxaana ay sheegeen in ay shaqadoodi dib u bilaabeen kadib mudo dhowr maalmod ah oo ay sheegeen in aysan wax shaqo ahi qabaan, taa oo ay u sababiyeen in maamulku uusan diyaarin goobihii ay dagi lahaayeen iyo weliba lacagaha uu maamulku sheegay in looga kireynayo goobaha ganacsi oo aad u badan.
Sikastaba ha ahaatee cabashada kasoo yeereysa dadka ku ganacsada suuqa weyn ee magaalada kismaayo ayaa ku soo beegmeysa xilli maalmo kahor ciidamada amaanka magaalada kismaayo ay burburiyeen suuqyadii waaweynaa ee ku yaallay magaalada kismaayo sida suuqa weyn ee umbultooriyo iyo kan qudaarta ee loo yaqaan Suuqyare.
Saalax guuleed
RBC Radio
No comments:
Post a Comment