Galdogob (RBC Radio):- Maamulka Gobolka Mudug ayaa maanta ka hor istaagey dawladda Itoobiya boob iyo bililiqo ay dooneysay in ay ku dhacdo dhulka Soomaaliyeed, kaasi oo ay dooneysay in ay kala soo baxdo Macdan iyo Shidaal.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Col, Axmed Cali Salaad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Muuse Axmed C/raxmaan oo ay weheliyaan ciidamo ka tirsan Booliska iyo Daraawiishta Puntland ayaa saaka hiirtii waaberi ka amba baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxayna si toos ah u tageen magaalada Galdogob ee gobolka Mudug.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment