Wednesday 16 February 2011

Askariga dadka dilay wuu sax sanyahay





Tuesday, 15 February 2011 17:52
Gudoomiyihii hore Gobalka Banaadir Maxamed Dheere ayaa ka hadlay dadkii lagu laayay maanta Banaanka hore ee Madaxtooyada asigoo tilmaamay in dadkii maanta soo banaan baxeen ay qaldanaayeen maadaama lagu jiro xaalad adag.
Maxamed Dhere ayaa sheegay in ay dadkii soo banaan baxeen ay ka mid ahaayeen dad nabad diid ah oo doonayay in ay qal qal galiyaan Amaanka dagmada kaliya ay ku xoogantahay Dowlada ee Xamarweyen .
"Malmahaan ayee daawanayeen TV-yada caalamka waxa ka socday Masar iyo Tuunisa dadkii ku banaan baxay Dowladooda ,Shacbkaasi waxa ay heestaan Wadan wanaagsan Waxaa lagu kala Raacdeeyay Biyo iyo Sunta in dhaha ka ilmeysiiso laakiin Somaalida biyo kama baqaan ee Xabad ayee ya qaanaa" M Dheere
Gudoomiyihii hore ee Banaadir ayaa dadka ku tilmamay kuwo Haya raac ah oo ku dayana wadamo hor marsan oo dhulkooda Shabab iyo jini joogin marka shacbka waxaan dhahayaa cagihiin dhulka dhiga.
"dhalinyaradaan Mudaaharaadka doonaya Suuqa Xoolaha iyo Ceelahsa ha ku banaan baxaan haday run wadaan Shabab ayaa dadkii baahi ku dilay ee ha ku banaan baxaan " M Dheere
Ugu danbeyntii waa masuulka kale ee taageeray Askarigii Rasaasta nool nool ku furay dadkii barqadii manata isu soo baxay si ay u taageeraan Dowlada kana soo hor jeestaan Al-Shabab ee ka dhacayay Degmada Xamarweyen ee Muqdisho .

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...