Wednesday 16 February 2011

Daawo Geel-Jire Cali oo Sweden Geel ku-raacaya:

Written by Administrator   
Sunday, 30 January 2011 15:51

Cali Cabdullaahi Xasan waa 40 jir ka yimid Soomaaliya soona galay dalka Sweden isagoo qaxooti ah. Waxaana xiligaas uu diiday inuu ka talo baxo shaqadiisii hore iyadoo ay jirto inaanan dadka Sweden ku nool aaney dhaqanin geel.

Sanado kahor cali Markii uu la kulmay hay’adda socdaalka ee dalkan Sweden ee laga diiwaan gelinayey xirfadiisa shaqo waxa uu ku warbixiyey inuu yaqaano geela sida loo xanaaneeyo,isagoo intaa ku daray in reerkiisu ay lahaayeen 170 neef oo geel ah, 4000 oo ido ah, 430 ari ah iyo 13 fardo ah. Xiligaasi waxaa Cali loo sheegay inaaney jirin shaqo geeljirenimo gudaha Sweden balse waxaa loo diray iskuul si uu wax kale u barto.

Waxaa Cali loo diray tababar shaqo (praktik) si uu xirfad kale u yeesho waxaana ka mid ahaa meelaha shaqooyinka loogu diray dukaanka Coop ee cuntada iyo dukaanka kale ee la yiraahdo Jysk kaasoo uu ka shaqeynayey alaabta guryaha la dhigto oo uu xirxiri jiray.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...