Wednesday 9 February 2011

Ciidamada TFG oo u hogansamay Shabab


Sunday 6 feb
Ciidamada Dowlada ee ku sugan Isgooska Ex-Kontarool Afgooye ayaa waxa la soo gudbonaatay cabsi xoogan kadib markii ay dagniin ugu timid Afhayenka Militariga Al-Shabab oo wacad ku maray in uu ku soo maqanyahay ciidamadaasi.
Ciidamada ayaa maanta la arkayaa iyaga oo wadooyinka geeskiisa ka sameestay Difaacyo xoogan oo ay kaga hortagaan weerarka la qorsheenaya ee Shabab.
Jamaal Abdi wali waxa uu ka mid yahay darawalada isticmaasha wadad isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa uu diirad u sheegay in ay ciidamaasi cabsi ka muuqatay.
"Markii hore walaal ciidamda waxa ay sameen jireen labo baaritaano oo adag kuwaasi oo Dumarkana looga feedaya tii wadata Indha shareer(Niqaabka) laakiin manat labadii Koontarool way joojiyeen oo waxa ay wadaan kaliya 1 Koontarool oo ay lacag canshuur ah ku qadayaan"Jamaal.
Dhanka kale waxa uu sheegay Jamaal in dhanka Shababka jooga Siinka dheer ay dadka Xamar ka imaadaan ay weydiinayaan bal waxa ay ku soo arkeen Ex-Koontarol Afgooye in gabdhaha halkaasi looga qaadaya indha Shreerka iyo inkale.
"Aniga gaariga aan wado waa Home BL ahaan ayaan uga shaqeeyaa meesha labo mar ayee shababka i waydiiyeen manta in ay ciidamad wadaa wili baaritaanada Haweenka Xijaaban iyo in kale anigana waxaan dhahay way joojiyeen " Darawal Jamaal.
Ciidamada Dowlada ayaa u muuqda kuwa had iyo jeer ka baqda hadalada Digniinta ah ee ka soo yeera Kooxda Shabab .
3 Maalin ka hor ayee aheed markii uu Sheikh Abdil Caziz Abuu Muscab oo ah Afahyeenka Shabab ee dhanka Dagaalka wacad ku maray in uu weerar halis ah ay ku waadayaan Ex-koontarool Afgooye oo uu ku tilmaamy goob dumarka islaamka lagu dhibo waa sida uu hadalka u dhigay .
Si kastaba ha ahaatee diirad.com ayaa idiin soo gudbin doonto wararka ugu danbeeya ee ka dhsha Degniintii Shabab iyo dhaq-dhaqaayada ciidamada TFG-da ee ku sugan Ex-Koontarool afgooye

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...