
Sida ay sheegayaan ilowareedyo muhiima oo ku dhow maamulka sare ee dekada weyn ee Muqdisho waxaa si lama filaana u joogsatay howlihii ay dakada u heysay shacabka, iyadoo howshan joogsigeedana lagu tilmaamay in lakordhiyay canshuurtii maraakiibta ee halkaasi kusoo xiran jirtay.
Go'aankan ayaa waxaa uu kasoo baxay gudoomiyaha Dekada Sayid Cali Macalin C/lle oo isna ka mid ahaan jiray ganacsatada reer Muqdisho isagoo sidoo kale ka mid ahaa maamulayaashii dekada macmalka aheyd ee Ceelmacaan, waxaana Sayid Cali uu soo rogay inuu isaga keensanayo gawaarida dekada ka shaqeyneysa iyo qaarkamida shaqaalaha iyadoo shaqadana laga eryayo kuwii horay uga xamaalan jiray.
Dhacdooyinkan muranka xoogan dhaliyay ayaa waxaa aysababtay in tiro maraakiiba oo haatan taagan duleedka Dekada in ay u raqoonsadeen dekadaha kale ee iyagu gacanta ugu jira ururka Alshabab sida dekada Marka iyo Kismaayo.
Talaabooyinkan ayaa dad xogogaala waxaa ay diirad.com uga war baxsheen in gudoomiyaha dekada uu sitoosa dhaqaale ugu abuurayo ururka Alshabab, maadaama haatan ganacsatadii ay maraakiibtooda kusoo xiran jirtay Muqdisho loo xawilayo goobo ay Shababku gacan ku hayaan.
Dhanka kale sida ay qaar kamida ganacsatada ay inoo sheegeen waxaa Dekada Muqdisho ay noqotay tan ugu qaalisan marka loo barbar dhigo xitaa dekadaha waaweyn ee Caalamka.
Xiligan ayaa waxaa goobaha muhiimka ee daqliga laga aruursho laga dareemayaa canshuuraad dheeriya, waxaana aytaasi soo ifbaxday kadib markii Madaxweynaha iyo xukumada ay beesha Caalamku u cadeeyeen in lix bilood kadib ay iska kala tagayaan, taas oo shacabka reer Muqdishana galisay shaki ah in hantidoodii si bareera loo bililiqeysanayo.
Filo warar kale oo xog ah goor dhow.
Diirad News Desk
No comments:
Post a Comment