Wednesday 23 February 2011

Hadaan Cumar-Maxamuud iyo Bah-Ararsame Colaad dhex-dhigo soo gurmadka Kalshaale iyo Laascaanood lama joojinayo:Xaabsade oo khidad cusub u soo bandhigay Siilaanyo

Written by Administrator   
Wednesday, 23 February 2011 17:35

Axmed Cabdi Xaabsade oo haatan ah Wasiirka Warfaafinta maamulka isku magcaaba Somaliland ayaa khidad cusub u soo bandhigay Madaxweynaha Soomaalilad Siilaanyo,wuxuuna kula taliyay inuu  u baahan-yahay  lacag gaareysa 300-000-Dollar oo loo qeybiyo dhalinyaro u dhalatay Beeshiisa Bah-Ararsame si markaas ay u laayaan Reer guuraaga Beesha Cumar-Maxamuud  halkaasna uu ka dhex-qarxo dagaal u dhexeeya Beelahaas,si markaas   dib loogu soo nooleeyo colaadii Cagaarre oo dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubney lagusoo af jaray degaanka Meygaale oo u dhow degmadda Burtinle.

Xaabsade ayaa si aad u xoogan ugu ololaynaya sidii magaaladda Laascaanood ay gacanta ugu sii jiri lahayd maamulka uu ka tirsan yahay si uu u sii haysto mansabkiisa siyaasadeed ee uu haatan ku joogo magaaladda Hargeysa.

Xaabsade ayaa arintan u xil-saaray Nin lagu naaneeso Gacmadheere oo daacad u h, isla markaana ay wasiirka jifo ahaan isku raacaan u diyaarsaday inuu la galo halka lagu magacaabo Gunburka oo ka mid ah degaanka Soomaalida Itoobiya oo degaan ahaana ay isku qabteen horey beelaha degaanka Burtinle,kadibna uu fidno ka dhex bilaabo beelaha walaalaha ah horey loo heshiisiiyay.

Socodka ciidan kaxaysasho ayaa waxa uu ku wajahan yahay in ay wax ka dilaan dadka degaanka Burtinle ka soo jeeda oo si ay halkaa markale colaad xooglihi uga aloosanto loogana jeesto xaaladda Magaaladda Laascaanood iyo ta gurmad ee Kalshaale.

Qaybo ka mid ah odayaasha degaanka ay isku hayb ahaan ka soo jeedaan oo ka xun waxa uu ku kacayo ninkan kiraysan ayaa waxay wargeliyeen qaar ka mid ah beelaha degaankaasi ee la filaayo inuu isku dayo inuu ku jibiyo xayndaabkii nabadeed si ay ula socodsiiyaan arinka jira.

Dhinaca kalena Gacma dheere oo horey nin magac dheer degaankaasi ku leh aadna looga xumaaday xabsiga madheera u jiidey isagoo jidhdil aad u darana u geystey laguna magcaabo Ina Waranle ayaa waxa uu ugaadhsanayaa laf ahaantiisa isagoo nabad qab kaga soo baxay xabsigii ciidan xooglehna wata ayaa waxa uu degey waddadii uu u soo mari lahaa Laascaanood marka uu ka soo laabto halka loo diray.

Waxaa iyana si lama filaan ah arintan uga war heshay dawlad maamuleedka Kililka Shanaad oo iyana la filaayo in ay ciidamo isaga iyo inta la socotaba waana ta ugu daran oo aan dib loo haybinayn hadii kooxdani ku soo mudh tidhaa.

Gacmadheere beri waxa uu ku sugan yahay degaanka ay beeluhu isugu dhow yihiin waxaana la eegayaa bal inuu ku soo nabad noqdo halaka uu ka tegey isagoo soo fuliyey wixii loo igmaday, Xaabsade oo laga caal waayey inuu dadkiisa dhinac ka raacana la eegi Hargeysi inay uga filaato degaankiisa.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...