Wednesday 23 February 2011

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Gobolada, Beledxaawo oo gubaneysa iyo dagaalka Beledweyn oo la kala daalay

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaalo muddo shan saac ka badan ka soconayay duleedyada Magaalooyinka Beledxaawo iyo Beledweyn ee Gobolada Gedo iyo Hiiraan, iyadoo dagaaladu ay yihiin kuwo aan wali lagu kala bixin.

Sida ay sheegayaan wararka degmada Beledxaawo ayaa qiiceeda baxaya, waxaana qeybo ka mid ah ay tahay mid gubaneysa, kadib markii madaafiic xoog badan oo dhinaca Doolow laga soo ridayay ay ku hoobteen.

Warar markii hore soo baxayay ayaa ahaa kuwo is khilaafsanaa, waxaana wararka ahaa in dagaalka uu ka socday gudaha, hase ahaatee ilaha war galka ayaa xaqiijinaya in magaalada duleedkeeda la isku heystay.

Madaafiicda loo yaqaano BM-ka ayaa lagu asqeysiiyay degmada, kaasoo ka yeelay mid guud ahaan qiic iyo olol ka baxa, iyadoo guryaha degmada ay ka koobnaayeen qaar jiingado, cooshado iyo guryo soomaaliga.

Shakiga dagaaladan ayaa ah mid ay dadku ka qabaan inay ku lug leeyihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo gadaal ka jiibanaya kuwa Dowladda KMG iyo Ahlusuna, marka loo eego hubkan culus oo aan lagu aqoon Soomaalida.

Madaafiicda ridada dheer ayaa waxay tahay mid si xoogan sida roobki oo kale ugu hoobaneysa degmada, waxaana aroor hore ka qaxay dadkii deegaanka oo markii ay ka war heleen saan saanta dagaalka caruurtooda iyo alaabahooda ka daad-gureystay.

Dagaalka Beledxaawo wali waa uu taagan yahay, inkastoo sheegashooyin iska soo horjeeda ay ka soo baxayaan, waxaana dhinacyada aagaas ku dagaalamaya ay yihiin kuwo markoodi horeba isu diyaar garoobay.

Sidoo kale dagaalkii ka dhacayay duleedka magaalada Beledweyn ayaa u muuqata in labada dhinac ay kala daaleen, kadib markii dagaal lagu jilbo murxay uu ku dhex maray duleedka, gaar ahaan nawaaxiga Buurta-qowleed, iyo halka la yiraahdo Sabad-caano.

Galabta waxaa si teel teel ku bilowday ganacsiga magaalada oo la arkayay dadka oo furanaya, inkastoo dadka deegaanka ay soo sheegayaan in mararka qaar la maqlayay madaafiicda iyo hubka.

Dagaalka oo dhanka waqooyi ka dhacayay ayaa labada dhinac ay dhufeysyo waa weyn dhigteen, halka lagu dagaalamayana waa meelo banaan oo dhagxaan ah, taas ayaana sahleysa in qasaaraha dagaalka uu si xoogan labada dhinac u saameeyo.

Shabaab ayaa maanta si weyn u daafacday Magaalooyinka Beledweyn iyo Beledxaawo, iyadoo hadii laga qabsan lahaa ay keeni laheyd in niyad jab weyn uu ku yimaado, kadib markii saaka si lama filaan ah lagala wareegay fariisimo ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...