Saturday 5 February 2011

Nin looga shakiyey inuu dili rabay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland oo la xiray

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa dhawaan xabsi dhigay nin ku hubeysnaa bastoolad, kaas oo ay kaga shakiyeen ilaaladda wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose inuu doonayey inuu dilo wasiirka.

Ninkan hubaysan oo lagu qabtay xarun caafimaad oo uu wasiirka ku leeyahay duleedka dowladda hoose ee Hargeysa ayaan illaa hadda si dhab ah hay'addaha dembi baaristu cadeynin ujeeddadiisa, isla markaasna aanu ka haddal wasiirka arrimaha gudaha Dr. Gaboose.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta maamulka Somaliland ninkan ayaa ka hor intii aan qabashaddiisu soo bixin u muuqday oday ka mid ah dad badan oo sugayey Dr. Gaboose oo caadi ahaan u shaqeeya bukaankiisa inta aanu gudda-gelin howsha wasaaradda arrimaha guddaha, hase ahaatee sida warku sheegay waxaa xaaladdu cabsi iyo dareen shaki leh isu rogtay markii qaar ka mid ah dadkii siday bukaanka loo waday dhakhtarku ay arkeen ninkan ah oo cabeynaya Bastoolad.Read More

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...