Tuesday 22 February 2011

Paris Hilton oo Muslintay lana baxday (Aldahira)oo Micnaheedu yahay (Gabadhii Daahirka-aheyd)

Written by Administrator   
Saturday, 05 February 2011 00:20

Paris Hilton oo ka mid aheyd Gabdhaha oogu caansan (Holly-Wood) ahna haweenay hantiilay ah oo uu dhalay ninka iska leh Hoteelada Aduunka oogu qaalisan ee (Hotel Hiltons) isla markaana hantideeda ku bixin jirtay dhinaca tamashlaha iyo fasahaadka ayaa waxa ay xarun lagu fidiyo diinta Islaamka oo ku taal magaalada Jiddah kaga dhawaaqday in ay gashay diinta Islaamka.

 Paris Hilton oo si weyn looga yaqaan dunida reer galbeedka,waxaana si weyn ooga daba-dhacay dhalinyarada Caalamka oo ka hela qaabka ay u labisan-jirtay iyo habka ay isku qaawin-jirtay kolka ay sakhraanto,waxaana Saxaafadaha qaarkood oogu yeeraan (Sexy-Paris)

Gabadhan Aktarada ah ee Ilaahay lacagta ku faraqay,ayaa sheegtay inay  muddo ka baaraan degaysay gelitaanka diinta Islaamka ayna la kulantay dad badan oo islaamay mudadii ay xabsiga ku jirtay ee 2007,waxayna sheegtay in maadaama ay gashay diinta Islaamka ay go’aan satay in ayka fogaato dhamaan waxyaabihi foosha xumaa ee ay horay ugu kici jirtay waxa ay sheegtay in ay asbuuca inagu soo fool leh ay u ambabixi doonto Los Angeles halkaas oo ayka geli doonto dugsi Islaami ah oo ayku baran doonto Diinta Islaamka.

Waxay intaa ku dartay in ay damacsan tahay in ay magaceeda ku bedelato magaca (Aldahira) oo carabi ahaan macnaheedu yahay Gabadhii-daahirka aheyd,inkastoo asxaabteeda ay durba bilaabeen inay oogu yeeraan (Paris-Jihad)arinta oogu yaabka badan ayaa ah in weli aysan ka hadlin arinta Paris-Hilton,saxaafadaha Reer Galbeedka oo dhacdadan  aan weli soo daabicin.

(Paris-Hilton oo Aqalka-Cad ee Mareykanka ku-sugan,waxayna gacanta ku-heysataa Eeyga ay caanka ku tahay ee loo yaqaan Maison)

Qaraabada Paris Hilton ee Reer-Hilton oo ka mid ah dadka Dunida oogu taajirsan ayaa kula taliyay gabadhooda la baxday (Aldahira)inay ka-noqoto go'aankooda dibna oogu soo noqoto Diinteedii hore,inkastoo Paris-Aldahira ay ku adkeystay inay heshay Diintii saxda aheyd,maadaama qalbigeedii xasilay isla-markaana ay joojisay dhamaan Maan-dooriyaashii ay isticmaali-jirtay,waxayna ka codsatay qarabaadeeda inay u soo duceeyaan taageerana u muujiyaan Diinta Islaamka ay ku biirtay,maadaama ay hada joojisay dhamaan fasahaadkii iyo edeb-daradii lagu yaqaanay.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:  Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...