Thursday 17 February 2011

Sheekh Ibraahim Dheere: Dilka Dadka Waxaa Dhiirigaliya Ninka La Yiraahdo Abuu Xasaan oo Nairobi Jooga

Nairobi (RBC) Gudoomiyaha ururka UWSLF Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen (Ibraahim Dheere) oo maanta ka hadlay dilkii magaalada Gaarisa ee dalka Kenya loogu geystey Sheekh Maxamed Dubad Xersi oo ka tirsanaa xubnaha ururka UWSLF ayaa ku eedeeyey dilkaasi jabhada ONLF.
Sheekh Ibraahim Dheere ayaa sheegay in dilka Sheekh Maxamed Dubad oo 13-kii bishan ka dhacay magaalada Gaarisa ay ka dambeeyeen ONLF oo diidan heshiiska dhexmaray UWSLF iyo xukuumada Ethiopia kaasoo ka dhaqangalay deegaanka Soomaali Galbeed.
“Waxaan u heysanaa inay ka dambeeyeen dadka diidan nabada ee ka hor imaadaan mashruuca nabada ee aan wadno, waana dad raba inay carqaladeeyaan hawlaha nabada ee aan wadno”, ayuu yiri Sheekh Ibraahim Dheere oou waramay BBC.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...