Wednesday 16 February 2011

SSDP oo dowladda dhexe Itoobiya u gudbiyey cabasho ka dhan ah xadgudubka xuquuqda waxbarasho ee ubadka deegaanka Soomaalida

Addis Ababa, 12-Feb-2011 - Sida uu warsidaha Wabishabeele u sheegay Afhayeenka ururka Nabadda ee Qurbajoogta Deegaanka Soomaalida, SSDP, Eng. Farxaan Maxamed Xaaji, wuxuu ururkiisa u gudbiyey dowladda dhexe Itoobiya cabasho ka dhan ah xadgudubka xuquuqda waxbarasho ee ubadka deegaanka Soomaalida.

Eng. Farxaan ayaa sheegay inay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Waxbarashada ee Itoobiya gaadhsiiyeen cawaaqib xumada ay yeelan karto deeqda waxbarasho ee deegaanka Soomaalida laga siinayo caruurta Somaliland iyo Puntland iyadoo ay caruurti u dhalatay deegaanka Soomaalida la ildaran yihiin waxbarasho la'aan.

"Waxaan u aragnaa xadgudub toos ah in lagu sameyeey xuquuqda waxbarasho ee ubadka deegaanka Soomaalida. Waxaa cad in la baalmaray qodobka 26-aad ee Xuquuqda Aadanaha ee quseeya xuquuqda waxbarashada (Universal Declaration of Human Rights), markii ciyaalkeena laga xakameeyey waxbarashada kolejyada ku dhexyaal magaalooyinkeena oo ciyaal dal kale laga keenay lagu xadheeyey," ayaa kamid ahaa qoraalka uu gudbiyey ururka Somali State Diaspora for Peace (SSDP).

Eng. Farxaan ayaa sheegay in ururka SSDP uu xil weyn iska saaray difaaca xuquuqda waxbarasho ee ubadka deegaanka Soomaalida, maadaama ay jirin cid kale oo arrintaa lagu haleeyo maanta, wuxuuna dhaleeceeyey dadka sheegta inay nabadda taageeraan ee aan ka hadal xadgudubka xuquuqda waxbarasho ee caruurta deegaanka, kuwaasoo kuraastoodi lagu fariisiyey caruur laga keenay Somaliland iyo Puntland

.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...