Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa dhawaantan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u sheegay inuu soo dhiso maamul Goboleed kusaleesan Ex-Banaadir iyadoo aytahay weli mid curdun ah oo aanan weli saxaafada soo galin balse maamul Goboleedkan ayaa Madaxweynaha waxaa uga horyimid rag uu ka midyahay Maxamed Dheere iyo Muxudiin Xasan Afrax oo iyaga horey u waday in ay maamul nuucana ku dhawaaqaan.Hadaba isqabqabsigan oo baryahan socday ayaa ugu dambeyntii waxaa uu shalay galaaftay dad Shacaba oo banaanbax sameynayay oo uu soo abaabulay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Nuur Tarzan, waxaana ciidanka howshaasi fuliyay loo adeegsaday ciidan ku sugnaa Degmada Shangaani oo uu horkacayay Alaha u naxariisto Nuur diqle sarkaal la dhashay oo ay isku xulufo yihiin Maxamed Dheere.
SII AKHRI
No comments:
Post a Comment