Saturday, 12 February 2011

Wiil Gadabuursi ku dhiman maayo dagaal beeleedka lagula jiro SSC

Ka dib dagaalkii ka dhacay Kalshaale iyo Buuhoodle Madaxweynaha Soomaliland wuxuu qabtay shir degdeg ah oo uu isugu yeedhay madaxdhaqameedyada iyo siyaasiinta Isaaq, shirkaasna waxaa loogu yeedhay shir heer qaran ah! Arinta laga hadlaayayna waa sidii qabiilkaasi isugu diyaarin lahaa dagaal lala galo SSC.
Waxaa aduunyada loo soo bandhigay in go’aanka dagaalka ay ku eegtahay qabiilka Isaaq. Qabiilooyinka kale ee Soomaliland deggaa sida Gadabuursiga shirkaas, oo albaabadu u xidhnaayeen,  laguma soo casuumin kumayna jirin. Bal aan eegno talabadaas Silaanyo qaaday waxay xambaarsantahay.
Xaqiiqo soo ifbaxday
Maamulka ka dhisan Soomaliland waa nidaam siyaasadeed oo awoodiisa ay leeyihiin qabiil qudha marka la eego awood qaybsiga siyaasadeed sida Baarlamaanka, golaha dawlada, maamulka administration ka , kan maxkamadaha iyo kan Milatariga. Saami ahaan Isaaq wuxuu ka yahay boqolkiiba 80% ku dhawaad.
Sidaa awadeed Silaanyo ma khaldana inuu ku koobo Isaaq marka laga hadlayo arimada xasaasiga ah ee khuseeya amniga iyo jirintaanka waqooyiga.Waxaa cadaatay in maamul dawlad lagu sheegaayay xaqiiqo ahaan yahay maamul qabiil oo qorshihiisu yahay inuu cudud ku yeesho magac maamul-dawladeed oo lagu dhalan habaabinaayo ummadaha kale si dhulbalaadhsi loogu wiiqo.
Dhanka Gadabuursi: Laba dhacdo oo badheedh ah
Waxaan wada ogsoonahay labadan dhacdoo isku xigay:
1)      Socdaalkii Gaboose ee Boorama oo ahaa mid cay ku ahaa Gadabuursi isagoo Boorama u tagay inuu kala qaybiyo midnimada Awdal. Wuxuu Boorama kula balansanaa jufo hoosaad reer Awdal ah, taas oon cidina ogayn kana fajicisay dhamaan Gadabuursi oo diiday inay la kulmaan. Hargaysa markuu ku noqday caydii wuu sii kordhiyay isagoo warfaafinta u sheegay inuu Boorama kula soo kulmay dhamaan qaybaha kala duwan ee gobolka. Taasna waxay muujisay inuu Gaboose si toos ah cay aan horay loo arag ula badheedhay Gadabuursi.
2)      Maalintuu Hargaysa Gaboose ku noqday Silaanyana wuxuu qabtay shirka aan kor ku xusnay ee ahaa midkii Isaaq ku go’aaminaayay inay dagaal la galaan SSC. Warsaxaafadeedkii shirkaas ka soo baxayna waxaa lagu cadeeyay in Silaanyo la kulmay siyaasiyiinta qaranka iyo madaxdhaqameedka dalka.

Murti
Waxaa cad in Gaboose  gaf weyn oo taariikhdu horay u xusin inuu ka galay Gadabuursi. Waana dhacdo siyaasadeed oon laga soo kaban Karin dhibteedana dusha ay ku qaadi doonaan maamulka Hargaysa. Gadabuursina waa mid baraarujisay  waana u guul isaguse wuxuu islahaa waxyeel. Markuu dadweynihii iyo madaxdhaqameedkoodiina ka been abuuray waxay Gadabuursi u sii bayaamisay in ficilka hore ee Gaboose ahaa mid ula kac ah, been abuurkiisuna la micno yahay Gadabuursow maxaad samayn kartaan.
Siilaanyo laftiisu ma gafin markuu shirkaas qabtay waayo wuxuu tixraacaayay xaqiiqada ah in dawladu ay ka koobantahay tahay una samaysantahay dad gaar ah. Mucaarid iyo Muxaafid iyo madaxdhaqameedkoodii oo wada Isaaq ah iyaa ka tashanaayay danahooga. Mar haddii aan wax aan Isaaq ahayn shirkaas joogin go’aanka dagaalku waa mid beeleed oo noqonaaya dagaal ka dhexeeya Isaaq iyo SSC. Taasina waa mid guul u ah inta nabada jecel oon marnaba ogolayn in mashkaladaha beelaha ka dhexeeya dagaal lagu xalilo.
Arimadaa waxaa nooga soo baxday xaqiiqooyin iftiiminaaya ajandaha reer gaar ihi ka leeyahay qorshaha labaatan jirsaday ee loogu yeedho “Soomaliland”.  Shirkaas beeleedka  Silaanyo tolkii u qabtay ee lagu gudoomiyay in lagu duulo SSC, Gadabuursi wuxuu dadweynaha soomaliyeed ka wargalinayaa inayna shaqo ku lahayn qaybna ka ahayn qorshe dagaaleedkaas beelaysan ee ku waajahan SSC.
Gadabuursi ma ogola in wiil ka mid ihi ku dhinto dagaal aan sinaba u khusayn haddii laysku dayo in arintaas loola yimaadana si cad iyay gaashaanka ugu dhufanayaan, sidii ay Gaboose laftiisa horay ay uugu sheegeen salaadiinta Gadabuursi.
Labada dhacdo ee midna uu galay Gaboose midna uu gudoonshay Silaanyo waa bayaan cad oo Gadabuursi  cashar u ah. Kaan fahmin isagaa quus ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...