Sida ku cad dukumintiyo taariikhi ah oo ay heshey RBC Radio, gumeystihii Talyaaniga ee haystey koonfurta Soomaaliya ayaa casuumaad u fidiyey Suldaanka Hobyo Cali Yuusuf iyo wiilkiisa weyn iyagoo ku martiqaaday inay kulan ku yeeshaan dooni ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga dusheeda sanadkii 1903.Suldaank Cali Yuusuf waxaa markii uu u tegey Talyaaniga ay ku xireen doontii dusheeda, iyagoo ku eedeynayey inuu gacan iyo garaba siiyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo ciidamadii Daraawiisheed ee dagaalka kula jiray labada gumeystee ee Ingiriis iyo Talyaani. Boqortooyada Hobyo ayaa Talyaaniga iyo Ingiriisku dareensanayeen inay hub iyo akhbaarta ciidamada u gudbiyaan Sayidka iyo ciidamadiisa.
Lix maalmood kadib oo ku beegneyd 4-tii February ayaa la ogaaday xariga Suldaanka Hobyo ay u geysteen ciidamada Talyaaniga iyo qaabka shirqoolka ah ee loo soo maray qabashadiisa.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment