Friday 23 December 2011

Ahlu Sunna Oo Sheegay In Ay Qabteen Nin Dilay Seddax Ka Tirsan Shaqaalaha WFP


Share
Matabaan (RBC) Maamulka Ahlu Sunna ee Gobalada Dhexe ayaa maanta shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin dableey ah oo maanta barqadii degmada Matabaan ee gobalka Hiiran ku dilay shaqaale ka tirsan hey’adda cunada aduunka WFP, kuwaas oo howlo shaqo halkaas u tagay.
Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq ee maamulka Ahlu Sunna ayaa u sheegay wariyaasha in ay qabteen ninka dilay shaqaalaha WFP, isagoo intaas ku daran in ninka uu hadda ku xiran xabsi ku yaalo degmada Caabud-waaq.
“Waxa aan gacanta ku soo dhignay ninka ka dambeeyay dilka shaqaalaha WFP, waxa ninkan rasaas ku furay gaari ay la socdeen shaqaalahan oo howlgalo gargaar ka waday maalmahan gobalada dhexe ee ay ka arrimiso Ahlu Sunna,” ayuu sheegay.
Shaqaalaha ayaa waxa  ka yimaadeen magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, iyagoo halkaas ka wadan howlo ay gargaar ku siinaayeen boqolaal qof oo u badan caruur iyo haween kuwaas oo saameeyay abaaraha ka jirra dalka
Maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay ka tacsiiyeenayaan dalka shaqaalahan, laakin hadda ka dib in aysan dhicin shaqaalaha samafalka iyagoo aan la socodsiin soo bixitaankooda maamulka Ahlu-Sunna aysan ku soo degdegin immaatinka meelaha aysan si fiican uga arrimin maamulkooda.
Waa markii ugu horreysay oo hal maalin shaqaale ka tirsan WFP lagu dillo degmada Matabaan ee gobalka Hiiran.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...