Friday 23 December 2011

Kenya - waxa amaan darada ka wada woqooyi keenya ma aha Al AShabab

Kadib saladii jumacada oo ay isug yimaadeen dhamaan muslimiinta kudhaqan magalada garissa masajidadeeda kaladuwaan ayaa waxaa halmar laga maqlahayay makarafoonada masaajida magalada garisa fariimo aad u cul culis kuwaas oo kujawajahnaa dowlada Kenya.
Masaajidka oogu wayn magalada garissa ee MASJIDUL TAQWAA ayaa waxaa kahadalay culimo aowdiin kaladuwan iyo waliba qaar kamid ah siyaasiiyiinta gobalka waqooyi bare kuwaas oo kasoo jeediyay hadalo ay akaga hadlahayeen amaanka gobalka waqooyi bare Kenya oo ay wayadan danbe kadhacaheen falal qaraxyo ah kuwaas oo galaaftay nolasha dad rayid ah iyo waliba askar katirsan ciidanka Kenya.
Sheek axmed camey oo kamid ah culimada oogu cad cad gobalka waqooyi bari ayaasaladii jimha ka istaagay masaajidka TAQWA waxa uuna inbadan kahadalay faa idada ay leedahay nabada iyo in aysan lug kulahayn waxayalaha kadhacahaya caalmaku ee amaantarada dadka muslimiinta ah waxa uuna sheegay in ay dadka musliinta ahi yihiin dad amaan iyo nabadglayo jecel waxa uuna carabaka ku adkeeyay in ay buun buunin hayaan dowladaha reer galbeed ah .
Sheekha oo muxadooro lala wada qiiroooday soo jeedshay ayaa dul istaagay qodobo muhiim ah kuwaas oo u badnaa kuwa uu kubartilmaameed san hayo dowlada Kenya oo uu sheegay in aysan wax gacan ah kagaysanin amaanka gobalka waqooyi bari oo uu sheegay in uu yahay hoyga amaanka iyo waxbarashda diiniga iyo maadigaba .
Sheekha ayaa waxa uu dowlada Kenya ku dhalilay in aysan kalatashanin shacabkeeda galintaan ka ay wadanka Kenya ay cidamadeedu ugaleen waxaa uuna sheegay in aysan shacabka reer waqoyi bari wax figtar iyo talaha ah kulahayn ciidanka Kenya oo galay gudaha soomailaya waxa ana hadaladiiskii kamid ahaa”annaga dowalda Kenya maysan nala tashanin wax figrad ahna maysan naga waydiinin galintaanka wadan ka aan walalaha nahay ee soomalia way iska gashay hadayse gashay wadanka soomali Kenya waa in ay adkaysataa oo aysan shacabkeeda wax yeelin”.
Sheekha ayaa waxa uu sidoo kale aad ooga hadlay canaan adaga usoo jeediyay ciidanka Kenya ee boobka iyo dhaca u gyastay daka kudhaqan xerada ifo ay3 maal mood kahor ciidamada Kenya kafuleen howl galo dadbadana lagu wax yeelay hantidoodiina lagu dhacay dadbadnada xabsiyada loo taxaybay waxa uuna sheekho soo qatay falal iyo is qarximo  kawa wayn kuwa kadhacay xerada ifo kuwaas oo kadhacay wadamo badan oo ay Kenya kamid tahay waxa uuna soo qaatay qaraxii 98dii lagu qarixyay safaradii maraykan ka ee kutalay magalada NAIROBI iyo waliba falal kale oo kadhacay magaalo xeebeedka MAMBAASA waxa uu na carabaka kudhuftay sheikh u in aysan dowlada Kenya wax jidhdil iyo boob toona kagaysanin magalada NAIROBI iyo MAMBASA waxa uuna wax lala yaabo ku tilmamaay falalkii bahalnimada ahaa ee ay dowlada Kenya ku qaday shabacabka masaakinta ah ee kudhaqanaa xerada IFO kuwaas oo ay gadhaceen hanti badan oo ay lahayeen shabcaka soomaliyeed ee kunoolaa ifo.
waxaa xisood kale hadal dheer kajedshay il masajidka mid kamid ah siyaasiyiinta gobalka waqoyi bari kenya kaas oo kumagac dheer BIGMAN waxa uuna sheegay in aysan ahayn in shacabka soomaliyeed loogu soo gabadu waa al-shabaab issga oo sheegay in ay somali laandheera taay oo ay kor udhaafahyaaan 30 milyan oo qof kuwaas oo kugala nool gobalka waaqoyibari kenya,somalia,djabuti.ogadenaya waxa uuna yidhi bigman”cidii farna saar 10 farood ayaan saaraynaa cidii isku dayda in ay soomali wax yeelayso ha udyaar garowdo dulan iyo dagaal issga oo sheegay in aysan ahayn in ay ciidamada kenya u cag jugleeyaan dadka qaxootiga ah ee kudhaqan xeryaa dhadhaaab.
waxa issana goobtas ka hadlahay mada nabad galyada gobalka lagdhera mr CUSMAAN AFMAROOR  waxa uuna sheegay in aysan lug kulahayna falalka amandara ee kajira gobalka waqooyibari al-shabaab waxaa uuna si toos ah u werar dowladaha marykanka iyo israil oo uu sheegay in ay amaan xumo kawadaan goblka waqooyi bari issga oo sheegay in ay kaxun yihiin hormaka diimeed ee ay gaadheen bulshada gobalka waaqooyi bari kenya.
Waxay sidoo kale culimada iyo cuqaasha goobtaas ka hadalaysay si toos ah u udhaliileen OPDS ka goblaka waqooyi bari waxayna dhaheen waa in aan maxkamad la kornaa ayaga oo sheegay in uusan waxba kaqabain falalka kadhacay magaalooyinka gariisa,mandhera,wajeer iyo xeryaha qaxootiga taas oo ay sheegeen in uu wax ka ogyahay falalkaas ayaga oo sabab ooga dhigay habacsanaanta kamuuqt OPDSKA gobalka waqoyi bari kenya.
ogu danbayntii ayaa waxaa lagu soo gaba gbeyay muxadaradii in la isu soo baxo oo ladhigo mudaharaad kadhan ah PC ga iyo OPDS ka gobala waqooyi bari kenya
waxii war ah ee kasoo kordha kala soco
danwaamews.com
email danwaanews@hotmail.com
GARISSA

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...