Friday 23 December 2011

DEG DEG: Shirkii Garoowe Oo Lagu Soo Kala Dareeray Beritona Loo Balamay.

DEG DEG: Shirkii Garoowe Oo Lagu Soo Kala Dareeray Beritona Loo Balamay.

Share
Garoowe [RBC Radio] Wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo u ka socdo ShirkaWadatashiga ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu soo kala dareeray isaga oo aan wax qodobo heshiis ah laga soo saarin.
Xubno ka mid ah Ergada Shirka oo aan xiriir la sameynay ayaa noo xaqiijiyey in Shirka Wadatashiga ee maamulada Soomaalida uga socday magaalada Garoowe loo balamay in berito la isugu soo laabto xarunta Jaamacadda PSU oo u Shirku ka socday dibna loo dhigay Qodobadii laga soo saari lahaa.
Shirka Wadatashiga oo maanta lagu waday in lasoo gabageeyo lagana soo saaro heshiis rasmi ah oo la isku raacsan yahay ayeysan taasi dhicin,waxaana wakhtiga sii dheereeyey ka dib markii Shir albaabadu u xiran yahay ay wada yeesheen Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed,Shariif Xasan [oo hadda laga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka DKMG ah] iyo Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole.
Labada Shariif iyo Madaxweyne Faroole ayaa kulankii ay yeesheen maanta ahaana mid albaabadu u Xirnaa balse Warar laga helayo madasha Shirka ayaa sheegay in Khilaaf soo kala dhexgalay Saddexaas mas’uul [Labada Shariif iyo Faroole] kaas oo ku saabsan ka gudbida nidaamka 4.5 oo u ka biyo diiday Shariif Xasan Shiikh Aadam [oo hadda laga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka DKMG ah].
Sida dad xogogaal ah ay RBC u sheegeen ayaa hada Sadexda Masuul [Labada Shariif iyo Faroole] ay gaareen heshiis awood qeybsi ah (HALKAAN AKHRISO HESHIISKII AY WADA GAAREEN)
Berito oo loo balamay in Shirku uu dhaco lagana soo saaro Qodobo muhiim ah ayaa caawa waxaa ku hoyday Garoonka diyaaraha ee magaalada Garoowe ilaa dhowr diyaaradood oo sugaayey in qaadaan Ergadii Shirka kasoo qeybgashay balse dib u dhac ku yimid.
Wararkii kusoo kordha kala soco Raxanreeb.com
RBC Radio
Garoowe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...