Tuesday 20 December 2011

Ciidamada Jabuuti oo Diyaaradii ka soo Degey iyo Muran ka Dhashay halka ay ka Hawlgalayaan (Warbixin)

Ciidamada Jabuuti oo Diyaaradii ka soo Degey iyo Muran ka Dhashay halka ay ka Hawlgalayaan (Warbixin)

Share
Muqdisho (RBC) Illaa 200 askari oo ka tirsan ciidamada wadanka Jabuuti hordhacna u ah 800 askari oo dalka Jabuuti ayaa maanta soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Diyaaradii siday ciidamadan ayaa soo gaartay garoonka abaare 2:00 duhurnimo iyadoo garoonka ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan DKMG oo uu ugu hireeyo raysul wasaaraha DKMG C/weli Gaas iyo wasiirka arimaha gudaha.
Sidoo kale waxaa garoonka ku sugnaa danjiraha Jabuuti u jooga Muqdisho Dayeb Dubbad Rooble oo isaguna halkaasi ku soo dhoweynayey ciidamada Jabuutiyaanka oo la filayo inay ku biiraan ciidamada AMISOM.
Saraakiisha AMISOM oo ka socda kuwa Uganda iyo Burundi ayaa iyaguna garoonka soo gaarey.
Muran ka taagan halka ay degayaan ciidamada
Markii diyaaradii siday ciidamadaay timid ayaan waxaa bilawday is afgaranwaa u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Jabuutiyaanka ee yimid ka dib markii taliyihii watay ciidanka Jabuuti uu sheegay in isagu iyo ciidankiisu aysan dhaafi doonin garoonka iyo dekeda Muqdisho.
Hase yeeshee taliyaha AMISOM Fred Mugisha ayaa arintaasi diiday isagoo sheegay in Jabuutiyaanka looga baahan yahay inay qeyb ka noqdaan ciidamada furimaha dagaalka ku jira, haddii kale ay dib isaga laabtaan.
Markii ay arinta halkaa gaartay ayaa waxaa soo dhexgalay raysul wasaaraha DKMG C/weli Gaas iyo wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud.
Ciidamada Jabuutiyaanka oo gaaraya 200 askari kuna hubeysan qoryaha fudud iyo rasaas fara badan ayaan diyaarada ka soo degin mudo labo saacadood ah oo uu muranka socday.
Saraakiisha AMISOM waxay ku doodeen in ay iyaga joogaan garoonka, Dekeda iyo madaxtooyada haddana aysan jirin baahi halkaasi ka jirta. Laakiin saraakiisha ciidamada Jabuuti ku doodeen inay iyagu yihiin nabad ilaaliyaal ayna u imaan dagaal inay galaan.
Muran dheer ka dib ayaa waxaa markii dambe ciidamada Jabuuti loo gelbiyey xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada AMISOM oo hadda ay katirsan yihiin kuwa Uganda iyo Burundi.
Wasiirka arimaha gudaha DKMG Soomaaliya C/samad Macalim Maxamuud oo war kooban saxaafadasiiyey ayaa diiday inuu ka hadlo halka loo qorsheeyey inay degaan ciidamada Jabuuti isagoo yiri “waa arin militeri”.
Wasiirku wuxuu u mahadceliyey dawlada Jabuuti oo uu sheegay inay ciidamadan ku soo kordhin doonto 600 askari maalmaha soo socda.
Warar laga helayo ilo ku dhow saraakiisha DKMG ayaa sheegaya in ciidamada loo qaadi doono qeybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho ee ay hadda isku horfadhiyaan ciidamada DKMG, kuwa AMISOM iyo kuwa ururka Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...