Thursday 22 December 2011

Fariinta Maxbuuska Burundiga ah ee magaciisu yahay NZOBONANTUMYE Therence

Maxbuus ka tirsan Ciidamada Burundi oo lagu qabtay Dagaaladii ay
Mujaahidiintu kula galeen Muqdisho, Wuxuu ku hadlayaa luqada
Wadankiisa ee loo yaqaano " Kirundi"  Fariinta oo Af-Soomaali Ku
turjumana hoos ka aqriso.

Fariinta Maxbuuska Burundiga ah ee magaciisu yahay NZOBONANTUMYE Therence
(00:00) Halkaan waxaan fariin kaga dirayaa ehelkeyga, shacabka dalka
Burundi iyo dawladdaba.

Magaceyguga waa NZOBONANTUMYE Therence xaaskeygana waxaa lagu
magacaabaa Mizako kiristin, waxaan leenahay 5 caruur ah, waxaan ka soo
jeedaa gobolka Ruyigi gaar ahaan degmada Jisuri..
(00:34) Fariinta aan u dirayo dawladda Burundi ayaan ugu sheegayaa in
aan ahay Askari Burundi ah, oo ka mid ahaa Ciidamadii Burundi ee
Somaliya loo soo diray si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, waxaa leygu
qabtay dagaal aan ka galay Muqdisho, haddana waxaan ku jiraa gacanta
Al-Shabaab.
(00:52) Inkastoo haatan aan ku jiro xaalad degan hadana maanta ayaan
ugu baahi badanahay caawintiina ee waxba ha igala harina..waxaan
jeclahay in aniga oo bad qaba aan si nabad gelyo ah dalkeyga iyo
dadkeyga iyo dadkayga ugu soo laabto.
(01:10)Waxaan ka codsanayaa General Niyonhanna Buyuye oo ah taliyaha
ciidamada Burundi ee Somaliya in uu arrinteyda wax ka qabto oo
Al-Shabaab uu kala hadlo sii deynteeda.
(01:28) Dawladda dalkeyga Burundi oo aan ka mid ahaa ciidamadii ay u
soo dirtay Somaliya..waxaan ka codsanayaa in ay dadaal ku bixiyaan sii
deynteeda..sow maahi askari Burundi ah..sow xuquuq kuma lihi
dawladdeyda..aniga oo xor ah ayaad howsha ciidanimado iga dalbateen
waana ogolaaday balse maanta anigoo xor aheyn ayaan idinka dalbanayaa
in aad I caawisaan si ley sii daayo, waxaan xoriyaddeyda waayay anigoo
ku jira howlgal dawladdeydu ay I fartay..
(01:55) Al-Shabaab Waxey ii sheegeen in aaney waxba ku faleyn
dilkeyga,,.ku dhawaad 10 bilood oo gacantooda an ku jirana wax
dhibaato ah kalama kulmin..balse waxey ii sheegeen dhawaan arrin aan
la qarracmay oo aan rabo dawladda Burundi deg deg in ay wax kaga
qabato..
(02:30) Taas oo ah in Al-Shabaab ay ii sheegeen wadahadal la xiriira
sii deynteeda oo soconayay in uu istaagay..sababtoo ah ninka
wadahadalkasi wada waa Sarkaal ka tirsan Cidamada UPDF-ta.
Aniga waa leyla socodsiinayay halka ay wax marayaan..waxaana ii
cadaatay Sarkaalka UPDF-ta in aysan daacad ka aheyn sii deynteeda..oo
dhab aysan ka aheyn wadahadalka.. waxaan ku celinayaa mar kale codsiga
ku socda General Niyonhanna: si uu howsha u soo fara geliyo oo
Al-Shabaab kala hadlo sii deynteeda, Ehelkeyga ayaan rabaa ee I
caawiya..fadlan I caawiya, fadlan I caawiya..
(03:13) Hadda waxaa jooga maxaabiis kale oo dagaalka lagu soo
qabtay..fadlan nagu caawiya in nagala sii daayo Xarakada Al-Shabaab.
Waxaan ka codsanayaa saaxiibadeydii ciidanka Burundi in arrinteena ay
kala hadlaan dawladda..waxaan u sheegayaa in iyaguba ay qabsan karto
xaalka hadda aan ku jirno..fadlan nagu caawiya wixii aad jeclan
laheydeen in leydinku caawiyo..waxaan rabnaa reeraheena..waxaan rabnaa
xoriyaddeena..waxaan rabnaa dalkeena..fadlan na cawiya..fadlan na
caawiya, fadlan na caawiya.
Dhamaad.
FG: Tarjamda qaar ka mid ah Farriinta Maxbuuska oo ku qoran luqadda
English-ka waxaad ka heli kartaa barta



www,somalisan.com
Muqdisho Somalia
Muuse Maxamuud Jiisow
0699907666
0615576666

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...