Thursday 22 December 2011

Guddigii Doorashada Baarlamaanka KMG oo Maanta La Magacaabay

Guddigii Doorashada Baarlamaanka KMG oo Maanta La Magacaabay

Share
Muqdisho (RBC) Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka KMG Soomaaliya Axmed Dhimbil Rooble (Casowe) ayaa maanta magacaabay gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka KMG kuwaasoo ka shaqeyn doona doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.
Xubnaha guddigan ayaa ka kooban 34 xildhibaan, waxaana gudoomiye ku xigeenka uu sheegay in xubnahan ay si deg deg uga shaqeynayaan sidii gudoomiye cusub loo soo dooran lahaa.
“Sidaad og tihiin 13-kii bisha ayey xildhibaanada xilkii ka qaadeen gudoomiyihii hore ee baarlamaanka, sidaasi awgeed waxay shalay si aqlabiyad ah iigu doorteen inaan si KMG ah u gudoomiyo kulamada baarlamaanka aniguna maanta waxaan magacaabay guddigii doorashada” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdulqaadir Sh. Ismaaciil
Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya oo isaguna wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in shaqada guddigan ay tahay inay ugu horeyn ku dhawaaqaan waqtiga ay dhacayso doorashada guddonka baarlamaanka.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in baarlamaanka uu xor u yahay inuu guto waajibaadkiisa isla markaana aan loo xayirnaan doonin shakhsiyaad fara ku tiris ah.
Maalintii shalay ayaa kulan ay soo xaadireen 290 mudane waxaa si aqlabiyad loogu doortay gudoomiye ku xigeenka 2aad Axmed Dhimbil Rooble inuu sii wado gudoominta shirarka baarlamaanka maadaama xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Inkastoo mudanayaashan ay sheegeen inay gudoon cusub dooranayaan haddana Shariif Xasan weli kuma qanacsana in xilka laga qaaday.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...