Wednesday 21 December 2011

Fartaag "Markii Aan Lowya cadde ka talaabeynay oo aan Faransiis idinka celinayne isma laheyn Reer Jabuuti ayaa idinkusoo duuli doona"!!.

Fartaag "Markii Aan Lowya cadde ka talaabeynay oo aan Faransiis idinka celinayne isma laheyn Reer Jabuuti ayaa idinkusoo duuli doona"!!.

Written by Administrator on .
somalimemo.netQabaa'ilada dega magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay ciidamada Jabuuti ee shalay iyo maanta lagusoo daad gureeyay magaalada Muqdisho oo ah meesha uu ka socda dagaalka ugu kulul ee Somaaliya.

Beesha Hawiye waxay kamid tahay beelaha dega muqdisho iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya waxayna caan ku tahay dagaaladii Ahliga ahaa ee ka dhacay dalka iyo dagaalkii lalasoo galay ciidamadii huwanta ahaa ee dalka Soomaaliya kusoo duulay.

Markii ugu horeysay Odayaasha dhaqanka Hawiye waxay maanta war kasoo saareen duulaanka cusub oo ay Jabuuti kusoo qaaday dalka muslimka Soomaaliya.

Kulan ay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ku yeesheen odayaasha dhaqanka Hawiye ayay ku dhaleeceeyeen sida Jabuuti ugu dhiiratay in ay kusoo duushay dal xiligii xornimada u dagaalamay sidii Jabuuti xornimo uheli lahayd.

Maxamed Guleed Fartaag oo ah Afhayeenka Golaha dhaqanka Hawiye oo warbaahinta lahadlay ayaa uga digay ciidanka jabuuti in ay ku qatalmaan muqdisho.

Beesha Hawiye ayaa umanad sheegatay shacabka Jabuuti maadaama dowladii Soomaaliya ay gacan weyn ka geysatay xornima helidda Jabuuti  "In dadaalkii aan ugalnay sidii Jabuuti xurnimo uheli laheyd oo aan Lowya cadde ka talaabnay noogula bedelo duulaan wax naqabta ma ahan waanse ka xisaabtami doonaa"ayuu yiri Fartaag.

Dhaqanka Hawiye waxay shacabka Jabuuti ugu baaqeen in ay gacmaha qabtaan Ismaaciil Cumar Gelle oo wiilasha Jabuuti inta lacago ku qaatay udiray dal lafaha leyska feenanayo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...