Safiirka Itoobiya ee Garowe Kulan layeeshay Labada Shariif iyo Faroole.

Wararka nagasoo gaaraya Garowe ayaa sheegaya in Safiirka Itoobiya u fadhiya Garowe uu galabta kulan isugu yeeray Faroole,Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan.
Itoobiya ayaa la sheegay in ay wakiiladeeda ku canaanatay isfaham la'aan ka dhax taagan iyo sida ay wax uga qaban la'yihiin awoodda sii kordhaysa oo ay yeelanayaan mujaahidiinta Soomaaliya.
Siyaasiyiin ku sugan Garowe waxay soo sheegeen in Qunsulka Itoobiya ee Garowe uu si bahdil ah ugu yeeray Shariif Sh.Axmed islamarkaana uu kulanka kula qaatay dhismaha qusuliyadda Itoobiya ee Garowe.
Madaxda Soomaalida ee gaalada adeegayaasha u ah ma ahan kuwa ceebi karto mana lahan wax xasaanad madaxtinimo ah taasi oo keentay in safiirada dalalka shisheeye ay awaamir siiyaan, Askariga Dablaha ah ee Uganda ama Burundi ayaa magaalada Muqdisho awaamir kusiiyay xubnaha DKMG ah ka koobantahay
No comments:
Post a Comment