Tuesday 6 December 2011

Hogaamiye Abuu Mansuur oo Culimada Islaamka ugu baaqay inay Dowrkooda ka qaataan Dagaalka Jihaadka



  • PDF
amiirnuur.comSheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur oo kamid ah masuuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isla markaana kalimad dar daaran ah ka jeedinayay shirka Culimada Islaamka ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhabo ayaa marka hore aad u bogaadiyay shirkii ay ku yeesheen Baydhabo.


Sheekha ayaa waxa uu sheegay in culimadu ay yihiin dadkii dhaxlay ambiyada sidaa darteedna loo baahanyahay in dowrkaasi ay kasoo dhalaalaan isla markaana ay buuxiyaan kaalimaha bannaan.


Waxa  uu sheegay in dunida qolo walbaahi ay leedahay culimo, xittaa gaaladu waxay leeyihiin culimo sida ay u yaqaanaan sidoo kale dowladda KMG ah iyo ciidamada shisheeye ayuu sheegay in ay leeyihiin culimo daafacda siyaasaddooda. Sidaa darted waxaa waajib ah ayuu yiri” Sheekhu in culimadu ay kasoo dhalaalaan dowrkooda haddii kale waxaa dhici doona in ay buuxiyaan dadka duubab waaweyn oo aanan ehel u ahayn.


Sheekh Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in culimadii hadda ku shirtay magaalada Baydhabo la isugu yeeray laakin wixii xilligan ka dambeeya loo baahanyahay in iyagu ay kulmaan oo ay isi soo uruuriyeen.


Waxa uu Sheekh Abuu mansuur khudbaddiisa ku hubanti galiyay in mujaahidiintu ay qaadanayaan talooyinka Culimada Rabbaaniyiinta.


Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ay si weyn uga dhex muuqdaan caalimiin xagga diinta Islaamka ayaa haddana u muuqata mid baadi goob ugu jirta culimada inteeda kale maadaama ay yihiin Xarako Islaami ah oo dagaal kula jirta cadaw kusoo duulay wadanka sidoo kalana gacanta ku heysa inta badan gobolada wadanka Soomaaliya oo ay kusoo rogeen ku dhaqanka Sharciga Islaamka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...