Tuesday 6 December 2011

Yaa ka dambeeyay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska KM4 ee Muqdisho.



  • PDF
amiirnuur.comWarar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya qarax maanta magaalada Muqdisho lagula eegtay ciidamada shisheeye  iyo saraakiisha DKMG ah ee gaalada u adeega.

Maanta duhurkii ayuu qaari waxlaha qaraxa lagasoo buuxiyay ku qarxay Isgoyska KM4 ee degmada Hodon magaalada Muqdisho xilli wadadaasi ay ku socdaali rabeen mas'uuliyiin katirsan DKMG ah iyo saraakiisha ciidanka shisheeye.

Qarax weyn ayaa Isgoyska ka dhacay waxaana durbadiiba dhimasho iyo dhaawac noqday dad wadada marayay oo ay kamid yihiin ciidamo kufaarta Afrikaanta ah katirsan iyo maleeshiyaad Soomaali ah.

Inta la ogyahay khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa gaaraya Lix qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 4 kale, dadka dhintay 2 kamid ah waa Rayid inta kalane waa ciidan Yugaandhiis ah iyo maleeshiyaad Soomaali ah.

Waxaa jira warar isburinaya oo ku aadan cidda qaraxa lala eegtay in cidda mas'uulka ka ah qaraxa sida wararku sheegayaan gaariga Qarxay wuxuu ahaa nuuca raaxda gaar ahaan Kaarib majirin cid gaariga qarxa saareed wuxuuna u muuqday in Rumuud laga hagayay.

Dadka ayaa dhacdadan laba siyaabood u fasirtay midda 1-aad ayaa ah in qaraxan ay goobta dhigeen shirkadaha shisheeye ee Muqdisho ku sugan si ay u laayay shacabka Rayidka ah islamarkaana ay sumcad xumo usoo jiidaan shabaabul Mujaahidiin.

Waxaa kale oo lagu macneeyay in qaraxan ay soo agaasinta xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo arrimo farsamo uu goobta ugu qarxay waana arrin ay dadku isla dhaxmarayaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...