Saturday 17 December 2011

Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Wafdigii QM & AU oo soo Dhamaaday (Faahfaahin)


Share
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow soo dhamaaday kulan u dhexeeyey  mudanayaal ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo wafdi ka socday Qaramada Midoobay, midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD oo xalay soo gaarey Muqdisho.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa saddex kulan oo isku xigay oo maanta wafdiga ajnabiga ah ay la yeesheen madaxweynaha oo gaar ah iyo Shariif Xasan oo xilkiisa muran ku jiro iyo qeybta saddexaad oo ah xildhibaanadii u codeeyay in kalsoonida lagala noqdo Shariif Xasan.
Kulamada dhamaantood ayaa ahaa kuwo irduhu u xirnaayeen loomana ogoleyn in saxaafadu ka qeybgasho hase yeeshee markii uu kulankii u dambeeyay soo dhamaaday ayaa waxaa Raxanreeb la xiriirtay xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali oo ah gudoomiyaha guddiga dastuurka ee barlamaanka oo afhayeen u ah mudanayaasha baarlamaanka wuxuuna sheegay in dhankooda ay sheegeen qaabkii uu u dhacay fadhigii baarlamaanka ee 13-kii bishan xilka ay uga qaadeen Shariif Xasan.
“Waxaan cadeynay wax kasta oo ku saabsanaa in fadhigaasi uu sharci ahaa” syuu yiri xildhibaanka.
Dhanka kale Proff Maxamed Xuseen Ilkadahab oo isaguna xildhibaanadii kulanka ka qeybgalay ka mid ahaa ayaa Raxanreeb u sheegay inay wafdiga Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD u cadeeyeen inaysan diidaneyn heshiiskii Kampala iyo Qorshaha road map-ka balse waxa gudoomiyaha ay ku heystaan ay tahay inuu ka soo bixi waayey hawshiisii.
“Anaga waxaan ku adkeysanay in Shariif Xasan xilkii laga qaaday, waayo wuxuu gabay shaqadii gudoonimo wuxuuna gudan waayey waajibkiisa. Waxaan kaloo cadeynay inay been tahay hadalada dhashaya baarlamaanka wuxuu diidan yahay qorshaha dib u habeynta iyo geedi socodka nabadda… anaga taas kama soo horjeedno” ayuu yiri Prof Ilkadahab.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo wafdiga saddexda dhinac ka socday ee maanta Muqdisho yimid ay ka bixiyeen kulamadii ay la yeesheen madaxweyne Shariif, Shjariif Xasan iyo mudanayaasha baarlamaanka.  Waxayna galabta u dhoofeen magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...