Tuesday 6 December 2011

La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Xabsiga la Dhigay


Share
Hargeysa (RBC) Ciidamada booliska Hargeysa ayaa maanta xiray la taliyihii siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur.
Warar laga helayo saraakiisha booliska ayaa sheegaya in Abiib uu isagu saaka tegey xarunta taliska dembi baarista CID-da isagoo markaasina xabsiga la dhigay welina uu ku jiro.
Ilo wareedyada laga helayo taliska booliska Hargeysa ayaa sheegaya in xariga la taliyaha madaxtooyada uu salka ku hayo dil habeen hore ka dhacay deegaanka Seemaal halkaasoo saddex ruux oo labo ka mid ah yihiin wiil iyo aabihii lagu dilay.
Ciidamada booliska ayaa sidoo kale xalay xiray dhowr ruux oo uu ku jiro nin wadaad ah kuwaasi oo lagu xiriiriyey dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal.
Warar hoose ayaa sheegaya in warka xariga la taliyaha madaxtooyada Somaliland loo gudbiyey madaxweyne  Axmed Siilaanyo si uu go’aan uga soo saaro.
RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...