Tuesday 6 December 2011

Sawiro iyo Faahfaahinta Baabuurkii Ku Qarxay Isgoyska KM-4 (Sawiro)


Share

Muqdisho (RBC) Waxaa duhurnimadii maanta isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ay ciidamada boolisku ku qabteen isgoyskaasi.
Baabuurkii qarxay oo yaalla isgoyska KM4
Baabuurka ayaa ahaa nooca yar yar- ayaa qarxay ka dib markii ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen baabuurka iyo ninkii watay.
“Anaga waxaan ahayn ciidankii saaka shaqada ku jiray, baaburkan oo ay TOYOTA CARIB waan ka shakinay waxaana ku amarnay ninkii watay inuu joojiyo, isagiina waxaan ku xirnay xarunta dembi baarista CID-da, daqiiqado markii aan wareynsanay oo su’aalo weydiinay ayuu noo sheegay in uu watay waxyaabo qarxa lacagna lasoo siiyey” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha booliska oo Raxanreeb ugu waramay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Sarkaalkani ayaa intaa ku darayin baabuurku uu qarxay ka dib markii ay dib ugu soo celiyeen ninkii watay ayna ku amreen inuu kala furo miinooyinka uu soo saaray kuwaasoo uu laftiisa gacantiisa ku qarxiyey.
Goobtii uu qaraxu ka dhacay oo ay taagan yihiin dadweyne isu soo baxay
Waxaa goobta ku geeriyootay saddex ruux oo kala ah: ninkii watay baabuurka iyo labo askari oo booliska ka tirsan oo xilligaasi ilaalo ka hayey baabuurka.
Askari dhaawac ah oo ay qabatay kaamirada Raxanreeb
Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dhowr ruux oo ay ku jiraan askar kuwaasoo iyaguna loo daabulay isbitaalada magaalada.
Ciidamada Amisom iyo kuwa booliska DKMG ayaa meesha soo gaaray qaraxa ka dib iyadoo la xiray waddooyinka. Waxayna bilaabeen baaritaan ku saabsan noocyada miinooyinka loo adeegsaday qaraxaasi.
Meydka Ninkii isqarxiyey oo yaalla wadada KM4 iyo Taribuunka isku xirta
Xaalada ayaa haatan degan waxaana dib u bilawday isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee wadada KM4.
Qofkii isqarxiyey oo googo'ay
RBC Radio
Share

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...