Monday 19 December 2011

Labada Shariif iyo Cabdi weli oo la sheegey in ay Garoowe u tagayaan in ay soo Qanciyaan Maamulka Cabdiraxmaan faroole ka dib markii..


Berri oo iyana lagu Waramey in Xildhibaanadda Baarlamaanka ay Dooran doonaan Gudoomiye Cusub

——————————————————————————–
Iyadoo Berri oo Talaado lagu wadey in uu furmo shirkii Wadatashiga Wajigiisii Saddeaad ayaa warar aan helney waxay sheegayaan in Shirkaas uu dib u dhac uu ku yimid markii Labaad ka dib markii ay soo wajaheen Khilaafyada Golaha Baarlamaanka iyadoo Xildhibaanadda Baarlamaanka ay 13 kii Bishaan ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka.
MdAaxweyne Shiikh Shariif ayaa goor dhow ka dhoofey Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho isagoo ku sii jeeda Magaaladda Garoowe waxaana safarkiisa ku wehliyey Xubno ka tirsan labada gole waxaana lagu waramey in Madaweynaha uu halkaa ku tagey in soo qanciyo Maamulka Pundland ka dibna uu ka codsado in mar kale dib loo dhigo shirka muddo saddex maalmood si loo soo afjaro Khilaafka baarlamaanka
Gudoomiyhii xilka laga qaadey Shariif Xasan Shikh Aadan ayaa iisna la filayaa in m,aalinta Berri ah uu gaaro Magaaladda Garoowe si isna u soo qanciyo Madaxweynaha Maamulka Pundand Cabdiraxmaan Faroole ka dib uu isna codsado in dib loogu dhigo shirka muddo kale sidoo kale Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna ka imaanaya maalinta berri Magaaladda Nairobi isagana waxaa laguwaramey in uu doonayo in Maamulka Puntland uu ku samarsiiyo in mar kale uu dib loo dhigo Shirka Wadatashiga soomaaliyeed oo maanta lagu wadey in uu ka furmo Magaaladda Garoowe
Sababta ay Saddexaas Masuul u qancinayaan Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu sheegey in ay tahay ka dib markii uu ku hanjabay in gebii ahaanba uu ka baxayop heshiisyadii hore ee ku saabsanaa Road Map-ka taasoo la sheegey in aysan u wanaagsaneyd labada Shariif iyo Raiisul Wasaaraha oo iyaga quudareynaya in uu miro dhalo habka Road Map-ka.waxana la filayaa in maalinta berry ay dib ugu soo laabtaan Mgaalada Muqdisho
Maalinta Berri ah ayaa Xildhibaanaddii Xilka ka qaadey Shariif Xasan ay kulan isugu imaan doonaan Golaha Shacabka taasoo lagu waramey inay dooran doonaan Gudoomiye Cususb iyo weliba Gudoomiye ku xigeeno waxayan haddii ay ariinkaan ay suurta gasho waxaa laga yaabaa inay cirka isku shareerto Xaaladihii ka taagnaa Xildhinaanada Baarlamaanka
Dhinaca kale Xildhibaano tiradooda lagu sheegey ilaa laba Boqol ay maanta ku shireen Hotel Naasa Hablood kuwaas ootaageersan Gudoomiyihii hore Shariif Xsan Shiikh Aadan waxayna sheegeen in Gudoomiyaha Sharciga uu yahay Shariif Xsana isamarkaana Xubnhii sheegey inay xilka ka qaadeen in ay ku xad gudbeen Heshiskii Kambala sidoo kale waxay soo dhaweeyeen War saxaafadeedkii ay sida wada jirka ah u soo saareen saddexda Masuul ee ugu sareeya Dowladda Federaalka ee ahaa in la tixgeliyo Heshiiskii Kambala
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...