Tuesday 13 December 2011

Labada Shariif oo Dhabarka isku jeediyay iyo Xildhibaanada oo Mooshin Lacag Aruursi ah bilaabay (Warbixin).


Written by Administrator on .
somalimemo.netMa ahan wax dhegaha shacabka Soomaalida ku cusub in ay maqlaan khilaaf soo kala dhaxgalay kooxda KMG ah oo ah koox Dabadhilifyo u ah shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay.

Labada Shariif ayaa ah mas'uuliyiinta ugu sareysa DKMG ah marka laga reebo in Mahiga iyo AMISOM ay leeyihiin talada kama dambeysta ah ee DKMG ah.

Bilo kahor ayuu Madaxweynaha Yugaandha labada shariif ku Heshiisiiyay magaalada Kampala xiligaasi oo ay qarka u saarnaayeen in ay laba garab ukala jebiyaan DKMG ah.

Hadda waxaa meel sare gaaray khilaaf xoogan oo u dhexeeya labada shariif kaasi oo salka ku haya gacan ku heynta DKMG ah iyo maareynta dhaqaalaha ka yimaad waxa loogu yeero Beesha Caalamka.

Hodheelada Muqdisho waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo iskasoo horjeeda, taageerayaasha Shariif Xasan ayaa digniin culus udiray shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaanada taageersan.

Ol Olaha ka dhanka ah Shariif Axmed wuxuu shariif Xasan u wakiishay laba Xildhibaan oo Laaluush-ka iyo isku dubaridka xildhibaanada ku caanbaxay waxayna kala yihiin Maxamed Qanyare Afrax iyo Cumar Islaaw.

Qanyare oo Boqol Xildhibaan kula hadlay Hodheelka Saxafi ayaa ku tilmaamay xildhibaanada Shariif taageersan in ay wadaan Afgembi ayna meel uga dheceen Heshiiskii Kampala.

Maxamed Qanyare wuxuu xildhibaanada labada dhinac kala raacsan ugu baaqay in waqtigoodi lajoogo oo ay Afka furtaan taasi oo uu ula jeedo in xiliga labada shariif is khilaafsanyihiin ay ka faa'oodeystaan oo ay lacago aruursadaan.
DKMG ah oo shisheeye ka amar qaadatay ayaa ku caanbaxday khilaaf iyo is eedeyn Mooshinada ay iska gudbiyaan labada dhinac waxay dan u yihiin Mooryaanta Baarlamanka isku magacaawday oo lacago badan aruursada

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...