Tuesday 20 December 2011

Shirkii Wadatashiga oo Berito ka Furmi Doona Garowe: Amaanka oo la Adkeeyay

Shirkii Wadatashiga oo Berito ka Furmi Doona Garowe: Amaanka oo la Adkeeyay

Share
Garowe (RBC) Shirkii wadatashiga ee dhinacyada Soomaalida ayaa lagu wadaa in maalinta berito ee Arbacada uu ka furmo magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Shirkan oo ay ahayd inuu qabsoomo bishan 15keeda ayaa dib ugu dhacay sababo lagu tilmaamay dhanka farsamada iyo khilaafka weli taagan ee ka dhex jira baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo shalay Garowe ku qaabilay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in shirku uu dhacayo Arbacada.
Xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNPOS oo shirka qabanqaabinaya ayaa sheegaya in shirkan Arbacada uu hordhac u yahay fadhi ballaaran oo bisha January ka dhici doona Garowe, balse kani uu yahay mid ay qeybaha siyaasada ku arinsanayaan.
Shirkan waxaa ka soo qeybgalaya madaxda DKMG ah iyadoo haatan uu Garowe ku sugan yahay madaxweyne Shariif.  Waxaa sidoo kale lagu wadaa in raysul wasaare C/weli Gaas maanta gelinka dambe uu gaaro magaalada Garowe si uu uga qeybgalo furitaanka shirka.
Sidoo kale wufuud ka socota Ahlusuna, Galmudug iyo wakiilo ka socda wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan.
Dhanka kale waxaa si aad ah loo adkeeyey amaanka magaalada Garowe oo uu shirku ka furmi doono maalinta berito.  Waddooyinka muhimka ayaa la dhigay ciidamo boolis iyadoo baabuurta lagu wado baaritaano culus.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...