Friday 16 December 2011

Soomaali Ridoowday oo lagu arkay Somaliland,Puntland iyo magaalada Jigjiga (Warbixin).


Written by Administrator on .
somalimemo.netHay'adaha Reer galbeedka ayaa sare u qaaday faragelinta ay kusoo sameynayaan diinta Islaamka oo ay heystaan dadka Muslimiinta Soomaaliya sanado kadib markii Koonfurta Soomaaliya laga yareeyay khatartii hay'adaha waxgaalaysiiya ka wadeen.

Dad Soomaaliyeed oo Ehelkoodu weligood muslimiin ahaayeen ayaa diinta Islaamka ka Riddoobay iyagoona ku biiray diinta Kirishtanka oo ay heystaan inta badan dadka Yurub iyo America ku dhaqan.

Maamulada Somaliland iyo Puntland waxaa kusoo qulqulaya Hay'ado Kirishtaameyn wada balse kusoo gabanaya magaca Gargaarka iyo Beni'aadanimada loo bixiyay oo u taagan Gidaar dadka lagu gaaleysiiyo.

Deegaanka Wajaalle ee dhaca xad beenaadka ay wadaagaan Somaliya iyo Itoobiya ayaa la sheegay in dad badan oo Muslimiin Somaali ahaa lagu gaalaysiiyay, hay'ad Ingiriiska laga leeyahay ayaa la sheegay in ay halkaasi ka hirgelisay mashaariic kadibna ay salfatay ilaa 15 Soomaali ah oo hadda ah Murtadiin diinta kirishtanka galay.

Magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed waxaa laga hirgeliyay Kuleej lagu xanaaneeyo dadka diinta Islaamka baxay ee Kirishtanka qaatay, dowladda deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay in ay Heshiis lasaxiixatay Oxform in NGO Norway laga leeyahay kuwaasi oo si aan caadi aheyn u wada Dacwo gaaleed Muslimiinta diinta Islaamka looga saarayo.

Ilo wareedyo laga helay Jigjiga ayaa xaqiijinaya in dadka Riddoobay ee Jigjiga kaliya ku sugan ay gaareen 85 qof balse inbadan dalka dibadiisa lo dhoofiyay.

Kuleejka Jigjiga waxaa hadda ku sugan 40 Murtadiin ah oo u badan Haween kuwaasi oo daryeel ka helaya hay'adaha Reer Galbeedka, Dastuurka Federaalka Itoobiya ayaa dhigaya qofku diinta uu rabo geli karo taasi oo maamulka deegaanka Soomaalida uu qaatay mana diidi karo in dadka Riddoobay uu ka hor istaago talaabadaasi.

Mashruucan gaaleysiinta wuxuu si aad ah uga socdaa Somaaligalbeed,Puntland,Somaliland iyo xeryaha Qaxootiga Kenya iyo Itoobiya hay'adaha ayaa kusoo gambanaya waxbarasho iyo beni'aadanimada waana arrin ay dad badan oo Soomaali ah ku dagmeen.

Deegaanka Bursaalax ee ku dhaw Gaalkacyo ayaa la sheegay in laga Eryay hay'ad ku howlaneed dad gaaleysiinta, ilaa 10 qof ayaa laga saaray diinta islaamka kadibna waxaa mashruuca ogaaday dadka deegaanka taasi oo keentay in shaqaalihii hay'adda naftooda u baqaan oo ay isaga baxaan deegaanka.

Wadaadadii Soomaalida ee dacwada islaamka fidin lahaa ayaa muxaadarooyinka ay qabtaan ku dura mujaahidiinta dagaalka kula jira gaalada sidaasi u gaalaysiineysa shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Magaalada Boorama ee gobolka Awdal waxaa la Eryay hay'ad lagu tuhmay in ay gaalsiin waddo balse lamasoo sheegin dad ay hay'adaasi gaalaysiisay, wadaada Burco iyo Boorama dacwada ka wada ayaa lagu amaanay in ay dhuunta ugaleen hay'ado doonayay in ay dhaqan xumo ku faafiyaan dadka dhaxdooda.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa laba sana kahor dalka Soomaaliya intiisa badan ka mamnuucday in ay ka howlgalaan hay'addo muhadad ku ahaa diinta dadka iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Xarakada Shabaabul mujaahidiin waxay ka fikireen Cawaaqib xumada ka dhalan karta galaangalka hay'adaha shisheeyaha kirishtanka ah ku dhaxleeyihiin bulshada go'aan geesinimo leh ayayna qaateen go'aankaasi faa'iidadiisa qof walba oo damiir leh ayaa qalbi qaboowsanaya laakin midka khaa'inka ah ee doonaya in uu Bakhtiga cuno wuxuu ku hadaaqayaa "hay'adihii samafalka ayaa la eryay,kuwaan gargaarka shacabka ayay diidanyihiin samafalayaasha beesha caalamka kaalintoodu waa muhiim ............" iyo Erayo kale oo baadinimo muujinaya.

Dadka Soomaaliyeed ayaa dhaqan ulahaa in ay diintooda difaacdaan ayna ka dhiidhiyaa gumeysiga gaalada ah iyo kuwa la socda, boqol sano kahor markii ay gumeysatayaashu qabsanayeen dhulka Jabuuti ayay Odayaashii deegaanka Obokh taariikh udhigeen gaalo Faransiis ahaa oo Heshiis lasaxiixan lahaa dadka deegaanka.
Taariikhda waxaa ku cad sida Soomaalidu gaalo u necbaayeen markii faransiiskii kusoo dhawaaday xeebta oo ay doonayeen in ay dhulka soo degaan oo ay gacan qaadaan odayaashii soomaaliyeed ayay duqowdii ku amreen in aysan dhulka soo degin ayna nijaaseyn dhulka iyagoo u arkayay in gaaladu nijaastahay taasi waa dhaqankii somaalidii hore balse xaalku sidaasi maahan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...