Friday 16 December 2011

Askar Kenyaan ah oo ku dhimatay Qaraxyo Gaarisa ka dhacay.


Written by Administrator on .
somalimemo.netWarar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee dhulka Soomaalida Kenya gumeysato.

Inta la ogyahay 5 Askari oo Kenyaan ah ayaa ku dhimatay tirakalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qaraxyo is xigxigay ay xalay ruxeen magaalada Gaarisa.

Laba qarax oo mid kamid ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ka kala dhacay xabsiga ugu weyn magaalada iyo maqaayadda ay ka cunteeyaan Booliska iyo Milleteriga Kenya.

Qaraxa ka dhacay maqaayadda Ciidanka ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay oo lakacday mid kamida Askarta waxaana halkaasi ku nafwaayay 3 Askari oo ahaa kuwa Milleteriga loo yaqaan.

Qaraxa kale wuxuu ka dhacay Xabsiga maxaabiista lagu xiro wuxuuna ka dhashay Bambaano gacanta laga tuuray oo lala eegtay goobta, saraakiil Booliska katirsan oo lahadlay Star FM ayaa xaqiijiyay in dhimashadu gaartay 5 Askari oo ciidanka dowladda katirsan.

Majirto cid loo qabtay qaraxyadii xalay waxaana socda baaritaano aan natiija laga gaarin oo ay wadaan ciidanka dowlada kirishtanka kenya.
Kenya ayaa duulaan gaaleed kusoo qaaday Soomaaliya laba bil ka hor,qaraxyada iyo dilalka ayaa joogta ka noqday gudaha Kenya waana dhabar jab dhanka siyaasadda iyo melletiga ah oo Kenya ku habsaday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...