Friday 16 December 2011

David Willyam:Somaaliya waxaa sharciga Islaamka ku dhaqi doona Al Shabaab.


Written by Administrator on .

warbixin dheer oo arimaha Somalia ay ka qortay shabakad lagu magacabo “Walesonline” oo laga leeyahay dalka ingiriska ayaa lagu sheegay in hadda dowladaha dibidda aanu gacanta ugu jirin wax xal ah oo laga gaari karo mushkilada iyo dagaalada ka jira Somalia iyagoona meesha ka saaray rajada laga leeyahay in waxqabad la soo baxdo kooxda uu Shariif hogaamiyo.

Maqaalkan oo uu qoray nin lagu magacabo Dvid Wilyamson waxa uu sheegay in mujaahidinta Somalia ay yihiin kooxda kaliya ee hadda laga yaabo in wadanka oo idil ay Amni iyo kala dambeyn ku soo celiyaan waxaana isagoo soo xiganaya khubaro iyo siyaasiyiin Reergalbeed ah uu sheegay in dadka somalida ay hadda si aad ah ugu riyaaqsan yihiin amniga iyo kala dambeynta ka jirta koonfurta iyo bartamah Somalia.

Grant Dawson khabiir falanqeeya arimaha dibada islamarkaana cilmiga siyaasada ka dhiga machad lagu magacabo Abiristwayth ayaa sheegay in Somalia aanu ka shaqeyn Karin sharciyada iyo maamulada ay gadaal ka soo riixayaan Reer galbeedka iyo mareykanka isagoo sheegay in  hadda dhaqaale iyo naf hur far badan lagu bixinayo kooxda TFG-da ee ka talisa qeybo ka mid ah magalada Muqdisho islamarkana weli wax hormar ah ay ku soo kordhin la’dahay.

kooxda TFG-da ayaa ah koox u dilooday nidaam daro iyo rabshado iyo qilaaf soo noqnoqday taas oo ay sii dheertahay tabardarada iyo musuq maasuqa aan dhamaadka lahayn ee heysta kooxdaasi,waxaana dhawaan lagu sheegay daraasad soo baxday in TFG-du yihiin kuwa ugu musuq maasuqa badan aduunka.

Waxa uu soo qaatay wada shaqeynta iyo hanaanka ka jira dhulka mujaahidintu ka taliyaan taas oo uu ku micneyey in dadka somalida inta badan ay daneynayaan nabadda iyo kala dambeynta wadanka ka maqneyd muddada ka badan 20 sano taas oo uu sheegay in inta badan hadda mujaahidintu ay ku guuleysteen,waxa uu sheegay in somalidu ay si wayn u garab istaageen maxkamadihii islamka ee dalka soo maray kuwaas oo meesha ka saaray qabqablayaashii dadka dhibaateyn jiray.

ugu dambeyn waxaa dowlada faraha kula jira Soomaaliya kula taliyey in aaanu ku mashquulin xaalka Somalia islamarkaana xalku aanu ku jirin halka ay ka baadigoobayaan waxaana uu tibaaxay in Somalia xalkeeda uu ku jiro kaliya in lala macaamilo mujaahidinta Soomaaliya oo helay sida uu yiri shacbiyada dadka markii la helay nidaam iyo amni iyo kala dameyn maqneyd muddo ku dhow 20 sano.

Xarakada mujaahidinta Al shabab oo ka taliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isla markaana ku maamula sharciga islamka ayaa dhawaan sheegtay in aanu marnaba aqoonsan doonin dastuurka gaalnimada ku dhisan ee QM midoobay iyagoona markale ku celiyey in wax aan ka ahayn sharciga islamka lagu maamuli doonin dalka muslimka ah ee Somalia oo dadkiisu ay si wada jir ah gacmaha isu qabsadeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...