Friday 16 December 2011

Mudulood oo Lacgatii ugu badneed ugu deeqay Shabaabul Mujaahidiin.



  • PDF
amiirnuur.comBeesha Mudulood ayaa maanta dhaqaalihii ugu xooganaa ku wareejiyay wilaayada Islaamiga Banaadir si loo xoojiyo dagaalka jihaadka ah ee ka socda magaalada muqdisho.
Kulan ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin katirsan wilaayada Banaadir iyo waxgaradka beesha Mudulood ayay beeshaasi ku wareejisay dhaqaale aad u xoogan.

Salaadiinta Beesha Mudulood ayaa shabaabul Mujaahidiin u gacan geliyay lacag kabadan 4 boqol oo Milyan shilin Soomaali ah si jihaadka lagula jiro cadawga uu u xoogeysto.

Waaliga Banaadir Sheekh Maxamed Abaa Cabdi Raxmaan oo madashii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in beesha Mudulood ay si tartiib tartiib ah ugusoo biireyso beelaha Ansaarta ah.

"Baarakallaahu ayaan leenahay beesha mudulood way ku mahadsanyihiin sida ay jihaadka isku garab taageen haddii ilaahey idmo amiirka mujaahidiinta ayaa salaan iyo duco idiinsoo diri doono"ayuu yiri Abuu Cabdi Raxmaan.

Kulankan ay beesha Mudulood laqaadatay shabaabul Mujaahidiin ayaa ka dhacay deegaanka Gubadleey ee duleedka Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...