Tuesday 13 December 2011

Taageerayaasha Shariif Xasan oo Berri umadlan in ay Xilka ka qaadaan Shariif Sh.Axmed.


Written by Administrator on .
somalimemo.netKir iyo Kac ayay ku kala tageen Shariif Sh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo galabta khadka taleefanka ku wada hadlay saacado yar kadib markii baarlamanka DKMG ah ay xilkii gudoomiyanimo ka xayuubiyeen Shariif Sakiin.

Mid kamida Idaacadaha taageera DKMG ah iyo AMISOM ayaa baahisay war ay ku sheegayso in labada Shariif kawada hadleen sidii loo qaboojin lahaa xiisada u dhexeysa.

Shariif Xasan oo wadanka dibadiisa ku maqan ayaa taleefan kasoo wacay saaxibkiisi hore si uu su'aalo uga weydiiyo wixii dhacay dood dheer ayaa la sheegay in labada dhinac ay dhaxmartay balse laysma fahmin.

Shariif Xasan ayaa ku canaantay Shariifka kale in uu shirqoolay islamarkaana uu ka faa'iideystay maqnaashiyihiisa, Shariif Xasan ayaa isagoo xanaaqsan taleefanka ku demiyay saaxibkiisii shalay waxaana lafilayaa in maalinimada berri ah uu dalka dib ugu soo laabto.
Dhinaca kale taageerayaasha Shariif Xasan ayaa caawa lacago ku faraqay xildhibaanada baarlamanka waxaana lafilayaa in maalinimada berri ah ay xilka madaxtinimo ka xayuubiyaan Shariif Axmed oo madaxweynaha DKMG ah ku magacaaban.

Maxamed Qanyare oo caawa Hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa yiri Berri ayaa wixii dhaca la arki doonaa waxaana loo fasirtay in berri xilka laga xayuubi doono Shariif Sheekh Axmed.

somalimemo.net
Dad Xasuuqayaal Daneystayaal ah waqtigooda waa dhamaaday

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...