Tuesday 13 December 2011

Abuu Muscab "Shaati walba oo ay gashtaan kama yeeli doono Gaal Waa Gaal".


Written by Administrator on .
somalimemo.netDagaalkii halaagga ugeystay ciidanka Kenya ee kusoo duulay Soomaaliya ayay ka warbixiyeen mujaahidiinta Soomaaliya xilli ciidanka Kenya ay bilaabeen in ay dib uga gurtaan aagaga dagaalka

Afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta Sheekh C/caziiz Abuu Muscab oo lahadlay warbaahinta islaamiga ah ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay mujaahidiintu guulo ka gaareen islamarkaana ay cadawga kala wareegeen fariisimo dagaal kadibna ay dib ugusoo laabteen deegaanadii ay kasoo dhaqaaqeen.

Abuu Muscab wuxuu soo hadal qaaday shaatiga Cusub oo ay Kenya usoo gashatay duulaanka ay kusoo qaaday dalka Soomaaliya wuxuuna ku tilmaamay jab ay Kenya ku qarinayso magaca AMISOM.

"Shaati walba oo ay Kenya soo gashato kama yeeli doono waan ladagaalameynaa gaalo waa  Gaalo"ayuu yiri Abuu Muscab oo  warbaahinta islaamiga ah uga warbixinayay dagaalkii xalay.

Dhinaca kale ciidanka Kenya ayaa weli wada dib ugurasho ay ka sameynayaan aagaga dagaalka wilaayada Jubbooyinka, ciidanka Kenya oo dhawaan isaga baxay Qooqaani ayaa la sheegay in ay ku guda jiraan maalmihii ugu dambeeyay oo ay Jubbooyinka ku sugnaan lahaayeen sida ay sheegayaan Ilo wareedyo dhanka Milleteriga ah oo Jubbooyinka laga helayo.

Kenya ayaa dhawaan iclaamisay in ay ku biirtay Ururka AMISOM ee ka dagaalama magaalada Muqdisho waxaana talaabadaasi loo faristay in dhaqaale soo wajahday Kenya kaasi oo ku aadan duulaanka ay ku qaaday Somaaliya.

Dhageyso Wareysiga Abuu Muscab

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...