Wednesday 21 December 2011

Taliska AMISOM oo ciidamadii Jabuuti ee shalay dalka yimid ka hor joogsaday iney ka qeyb qaataan ilaalinta xarumaha DKMG Samalia

Qeybtii u horeysay ee ciidamo ka socda dalka Jabuuti ayaa shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyagoo qeyb ka noqon doona howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee loogu yeero AMISOM.
Ciidamadan oo gaaraya ilaa labo boqol askari ayaa waxaa hogaaminayey abaanduulaha ciidamada dalka Jabuuti Gen. Zakariye Sheekh Ibraahim, waxaana diyaaraddii siday ay soo cagadhigatay garoonka diyaradaha ee magalaada Muqdisho abaarihii 2:00 duhurnimo ee shalay, iyadoo garoonka ay in muddo ah diyaaradaasi taagneyd, ka dib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhexgalay taliska AMISOM iyo dowladda KMG oo ku kala aragti duwanaaday halka la dejinayo ciidamada Jabuuti
Diyaaraddii keentay magaalada Muqdisho ciidamada Jabuuti ayaa muddo saacad ka badan taagneyd garoonka diyaaradaha dhexdiisa, iyadoo ciidamada mudadaas aysan ka soo degin dayaaradda, ka dib markii uu muran ka dhashay sida la sheegay habka maareynta ciidamadan iyo qaabka howlgalkooda iyo weliba goobaha ay degayaan.
Dowladda KMG ayaa codsatay inay ilaaliyaan ciidamadaasi goobaha muhiimka ah iyo madaxda dowladda KMG, laakiin taliska ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha ayaa ka biyo diiday, iyagoo ku adkeystay in ciidamada Jabuuti la geeyo furumaha hore ee dagaalka, isla markaasna aysan ogolaan doonin inay ilaaliyaan goobaha muhiimka ah oo ay hadda iyagu maamulaan.
Khilaafka ayaa gaaray sida la sheegay inay xitaa sheegeen ciidamada Ugandha ay ka baxayaan Soomaaliya haddii aan furumaha hore la geyn ciidamada Jabuuti, iyadoo sida warku sheegayo khilaafkii iyo is faham la’aantii ka dhalatay ciidamada Jabuuti ee Muqdisho yimid markii dambe la xaliyey ka dib wadahadal muddo saacado ah qaatay oo ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku wada qaateen Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya, Saraakiisha AMISOM iyo Saraakiisha dalka Jabuuti.
Sida warku sheegayo waxaa la isku afgartay in ciidamada Jabuuti ay la shaqeeyaan ciidamada Burundi, isla markaasna la geeyo ciidamada Jabuuti aagagga ay ku sugan yihiin ciidamada Burundi, waxaana la geeyay oo la dejiyey meelo ay ka mid yihiin Kulliyadda Jaalle Siyaad halkaas oo xalay lagu qaaday weerar culus oo u muuqday mid lagu soo dhaweynayey ciidamada Jabuuti.
Ciidamada Jabuuti ayaa qorshuhu yahay inay sugaan ammaanka xubnaha dowladda KMG Soomaaliya iyo goobaha muhiimka ah sida Dekeda, Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta Madaxtooyada, inkastoo arrintaas guux weyn ka jiro, isla markaasna ay ka soo horjeesteen ciidamada Ugandha oo goobahaasi ka howlgala, lamana oga sida lagu qancin doono ciidamada Ugandha ee goobahaasi gacanta ku haya, kuwaasoo xittaa goobahaasi aan u ogoleyn inay faragelin ku sameeyaan ciidamada Burundi.
Jabuuti ayaa noqoneysa dalkii 3-aad ee ciidamo ku soo biiriya howlgalka AMISOM, dalalka Yugandha iyo Burundi ayaa ah dalalka ay haatan ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo wajahaya dagaalo iyo weeraro kaga imaanaya dhanka Xarakada Al-Shabaab waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay dalka soo gaaraan ciidamo kale oo jabuutiyaan ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...