Wednesday 21 December 2011

Shirkii wada tashiga Soomaalida wajigiisa 2aad oo maanta ka furmaya Garoowe iyo mid ka mid ah maamuladii lagu casuumay oo qaadacay

Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda ee maanta oo Arbaco ah inuu magaalada Garoowe ka furmo shirkii wadatashiga Soomaalida oo ay ka qeybgalayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, maamulada Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wafuud ka socota beesha caalamka

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha maamulka Puntland oo xalay kulan gaar ah ka yeeshay furitaanka shirka ee maanta ayaa si wadajir ah u sheegay inay filayaan in shirka ay ka soo baxaan waxyaabo dan u ah ummadda Soomaaliyeed, waxayna xuseen in shirkaasi uu ka duwan yahay shirarkii hore sida ay yiraahdeen, iyagoo aan sheegin waxa uu uga duwan yahay.
Sidoo kale waxaa shalay gaaray magaalada Garoowe wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baaralamanka Shariif Xasan oo xildhibaanada qaarkood ay sheegeen iney xilkii ka qaadeen, haatan waxaa magaalada Garoowe ku sugan wafuud ka kala socoto maamulka Galmudug, Ururka Ahlu Sunna iyo weliba qaar kale oo ka socoto beesha caalamka iyadoo kuwo kale oo uu ka mid yahay raisul wasaaraha Somalia C/weli Maxamed Cali saaka lagu wado iney gaaraan magaalada Garowe.
Shirka oo socon doono sadex cisho ayaa waxaa lagu wadaa in waxyaabaha lagaga hadlayo ay qeyb ka noqdaan arimaha dastuurka iyo weliba mudada kala guurka ee dowlada KMG iyo weliba qaabkii loogu gudbi lahaa dowlad toos ah, waxaana shirka horyaala caqabado ay ka mid yihiin inaysan Soomaalidu u wada dhameyn shirka.
Amaanka magaalada Garoowe ayaa si weyn oo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaalada lagu daadiyey kumanaan ciidamo ah oo si aad ah u qalabeysan kuna hubeysan gaadiid dagaalka kuwaasoo baaritaano ku haya gaadiidka u kala goosha magaalada bartamaheeda, iyadoo wadooyinka qaarna ka mamnuucay gaadiidka sida wadada u baxda madaxtooyada iyo wadada kale ee tagta xarunta Jaamacadda Puntland ee magalaada Garoowe oo la filayo in shirka a uu si rasmi ah uga furmo.
Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay shirka maanta ka furmaya magaalada Garoowe, kuwaas oo ay ku jiraan Culimaa’udiin, Siyaasinyiin, Odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna sheegeen inaysan taageeri doonin wixii ka soo baxa shirka, aysannaba aqoonsaneyn shirka Garoowe iyo qorshaha Road Map-ka oo ay ku sheen mid lagu kala geynayo Ummadda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka tiliya deegaano ku yaala gobolada dhexe shirkaasna lagu casuumay ayaa si cad u sheegay iney qaadaceen shirka maanta ka furmaya magaalada Garoowe, iyagoo xusay in Qaramada Midoobay ninka wakiilka uga ahna Soomaaliyana Agustuino Mahiga uu dhibaato weyn ku hayo Ummadda Soomaaliyeed, isagoo ka shaqeynaya ayey yiraahdeen kala geynta shacabka Soomaaliyeed.
La taliyaha dhinaca siyaasadda Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Cismaan Max’ed Cali oo isagoo jooga magaalada Cadaado qadka taleefoonka shir jaraa’id ugu qabtay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda wadatashi aysan ka sameeyeen shirkaasi, ay go’aansadeen inaysan ka qeybgelin, taasoo uu sababeeyay shirka oo uu sheegay inay wataan dad shisheeye ah, isla markaasna wax tala ah aysan horay ugu laheyn Soomaalida.
La taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay inaysan diidaneyn in shirka wadatashiga lagu qabto magaalada Garoowe balse waxa uu sheegay in shirkii ay ku yeesheen magaalada Cadaado ay ku ogaadeen in Soomaalida ay tashan karto, isagoo meesha ka saaray in shirkaas ay uga baaqsadeen sababo la xiriira hanjabaado uu dhowaan kaga yimid Xarakada Al-shabaab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...