Friday 16 December 2011

Wafdi Ka Socda QM Oo Goor Dhow Gaaray Garoowe


Share
Garoowe (RBC)Waxa goordhaweyd garoonka diyaaradaha garoowe soo fadhiisatay diyaarad ka timid dhinaca caasimada Kenya, Nairobi taas oo ay ka socdeen wafdi ka socda QM oo uu hoggaaminaayo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augostine Mahiga.
Wafdoga ayaa markii ay ka soo daggeen garoonka waxa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntaland kuwaas oo u galbiyay wafdiga xarunta madaxtooyada garoowe halkaas oo uu ku soo dhaweeyay madaxweyne Cabdi Raxamaan Faroole iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Putland.
Wafdiga ayaa wax war ah siin wariyaasha, waxana ay galeen kullan albaada ay xiran yihiin kuwaas oo la qaadanayaan madaxda Puntland.
Sida ay u sheegeen Radio RBC illo ku dhow xafiiska siyaasada QM arrimaha Soomaaliya Nairobi wafdiga ayaa waxa hordhac u yihiin wafdi beesha caalamka ka immanaya kuwaas oo maalmaha soo socda u immanaya Garoowe ka qeybgalka wajiga labaad shirka wadatashiga ee ka dhacaya xarunta Puntland kaas oo lagu waday in uu qabsoomo 15-ka bishan laakin cilado farsamo uu u baaqday.
Amaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan halka shirka uu ka dhacaayo, oo la dhigay ciidamo badan.
RBC
—————————–
Xafiiska Wararka Garoowe

1 comment:

Anonymous said...

A hydrogen flame burns very cleanly, producing virtually no soot, which means we'll never have to look far to get horsepower from kW, and the staff makes an extra effort to accommodate students with disabilities.

Here is my site; fleshlight

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...