Friday 16 December 2011

War deg deg: Shariif Xasan oo Dowladda Itoobiya ka dalbay in ay Ciidan xoogan usoo dirto Somaaliya.


Written by Administrator on .
somalimemo.netShariif Xasan Sheekh Aaden oo daqiiqado kahor warbaahinta kula hadlay garoonka diyuuradaha magaalada Muqdisho ayaa muujiyay in dagaalka dhanka siyaasadda ah looga adkaaday.

Shariif Xasan oo Muqdisho dib ugusoo laabtay ayaa sharci darro ku tilmaamay xilka qaadis ay dhawaan ku sameeyeen xildhibaano katirsan baarlamanka DKMG ah xilli uu dibada ku maqnaa.

Shariif Xasan wuxuu ugu baaqay dowlada Itoobiya in ay si deg deg ah ciidan ugusoo dirto Soomaaliya si ay u xaliyaan Khalalaasa uu sheegay in ay Soomaalida ka dhax taagantahay.

Isagoo hadlayay ayuu soo hadal qaaday Heshiiskii Kampala ay ku gaareen isaga iyo shariif Sheekh Axmed wuxuuna sheegay in Heshiiskaasi waxbaka jiraan ay kasoo qaadeen siyaasiyiin uu sheegay in ay khalalaasa wadaan.

Shariif Xasan ayaa carrabka ku dhejiyay in xiligan aan xal laga gaari karin arrimaha Soomaaliya ilaa ciidanka Itoobiya ay kasoo gelayaan dalka Soomaliya.

Sababta shariif Xasan ku riixday in uu Itoobiya u qeyla dhaansado ayaa lagu macneynayaa in Q.Midoobe,AMISOM iyo Mareykanka ay dhanka shariif Sh.Axmed ujanjeersadeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...