Thursday 22 December 2011

Xaflad Casho sharaf ah oo caawa lagu qabtay madaxtooyada Puntland (Sawiro)

Xaflad Casho sharaf ah oo caawa lagu qabtay madaxtooyada Puntland (Sawiro)

Garowe, Dec. 22.2011----------Waxaa caawa magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka dhacday xaflad casho sharaf aheyd oo loo sameeyey madaxdii iyo mas’uuliyiintii u timid si ay uga qeybgalaan shirka Wadatashiga ee Dastuurka dalka kuwaasoo ay ugu horeeyeen madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed, Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo kuxigeenadiisa Mudane Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalim, iyo marti sharaftii kale ee isugu jirtay Wasiirada, Xildhibaanada, Bulshada Rayidka, Ahlusunna Waljamaacah, iyo wakiilada beesha caalamka, gaar ahaana UNPOS iyo IGAD.

Xafladan oo aad loo soo agaasimaya ayaa waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Puntland, waxaana dhanka maaweelada iyo heesaha aad wacdaro uga muujiayay kooxda Waaberi Puntland, iyo Fanaanka Axmed Naaji Sacad oo isagu halkaasi ka qaaday heeso qiiro iyo wadaninimo ku dheehneyd.

Xafladan oo aheyd casho sharaf ayaa waxaa hadalo ka jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland Mr. Faroole iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed waxayna labada mas’uul si isku mid ah rajo wanaagsan uga muujiyeen miro wanaagsan oo ka soo baxa shirka heerkiisu sareeyo ee lagu qabtay  Garowe lana filayo in berri la soo gabagabeeyo.

-- 
Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia













No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...