Sunday 22 January 2012

Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Aqoonsiyada Sarkaal DKMG oo Dagaalkii Jimcihii ku Dhintay (SAWIRO)

Share
Aqoonsiga sarkaalka ay Al-Shabaab sheegeen inay dileen
Muqdisho (RBC) Ururka Al-Shabaab qeybta u qaabilsan warfaafinta ayaa maanta daabacday sawiro iyo aqoonsiyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada DKMG Soomaaliya oo lagu dilay dagaalkii maalintii Jimcaha ka dhacay deegaanada waqooyiga galbeed ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ka saareen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa bogagooda internet-ka ku faafiyey sawirada iyo aqoonsiyada sarkaal lagu magacaabo SICIID CABDI JARAS oo sida ay sheegeen ciidamada DKMG u qaabilsanaa dhanka sahayda.
Mid ka mid ah aqoonsiyada waxaa ku qoran SACIID CABDI BARRE halka kuwa kalana magaca “JARAS” uu ku qoran yahay.
Waa kuma Siciid CABDI JARAS?
Sida lagu qoray bogga twitter-ka ee AlShabaab sarkaalkan wuxuu ahaa COLONEL ka tirsan ciidamada DKMG Soomaaliya, wuxuuna qaabilsanaa dhanka sahayda. [halkaan ka akhri]
Aqoonsiyada ay faafiyeen Al-Shabaab waxaa ku jira shatiga baabuur wadista [driving license]oo laga bixiyey wadanka Ingiriiska kaasoo uu ku dhegan yahay sawirka ninkan. Waxaa ku qoran inuu dhashay 1964.
Shati baabuur wadis oo laga bixiyey wadanka Ingiriiska
“Wuxuu heystay fasax gaar ah oo uu kula kulmi karo madaxweynaha DKMG Sheikh Shariif”, sida lagu qoray bogga Al-Shabaab.
“Wuxuu ka yimid bariga magaalada London” ayey sheegeen Al-Shabaab.
“Said Abdi Jaras of South East London was killed in battle near the University of Mogadishu” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab oo ku qornaa afka Ingiriiska.
Sidoo kale aqoonsiyada gaarka ah ee ay faafiyeen Al-Shabaab waxaa ku jira labo aqoonsi oo mid laga bixiyey xafiiska madaxweynaha midka kalana laga bixiyey xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya, taasoo micneheedu yahay in ruuxa iska leh aqoonsiyadaasi uu shuruudd la’aan la kulmi karo madaxweynaha iyo raysul wasaaraha.
Aqoonsi laga bixiyey xafiiska Raysul wasaaraha Soomaaliya
Aqoonsiyada ayaa sheegaya in SACIID CABDI JARAS uu yahay Colonel ka tirsan Ciidanka Xooga Soomaaliya.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka militariga DKMG iyo waxa uu ninkani xaqiiqo ahaan u qaabilsanaa dawlada.
Aqoonsi kale oo laga bixyey xafiiska madaxweynaha DKMG Soomaaliya
Dagaalkii Jimcihii
Dagaalkii cuslaa ee Jimcihii ka dhacay duleedka degmada Yaaqshiid ayay DKMG iyo AMISOM ku sheegteen guulo inay ka gaareen ka dib markii haraadigii Al-Shabaab laga saaray magaalada.
Deegaanada dagaalkaasi uu ka dhacay ayaa ah dhul hawd ah oo xagga waqooyi galbeed kaga beegan magaalada.
Wariyaal madax bannaan ayaa Raxanreeb u sheegay in maalintii Jimcaha intii uu dagaalku socday ay mar weerar gaadmo ah soo qaadeen Al-Shabaab oo subaxnimadii hore dagaalka looga awood roonaaday.
Dagaalkaasi Al-Shabaab ma aysan sheegin dadka iyaga kaga dhintay. Laakiin soo bandhigista sawiradan ayaa timid saacado ka dib markii gelinkii dambe weerar diyaarad ay fulisay lagu dilay Bilal al Berjawi oo ahaa sarkaal sare oo Al-Qaacida ka tirsanaa kaasoo Al-Shabaab ka barbar dagaalami jiray.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
__________________________________________________
AFEEF: Sawirada waxaa lagu faafiyey bogga twitterka Al-Shabaab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...