Wednesday 11 January 2012

C/kariin Xasan Jaamac: Xuquuqdii Dadka SSC Waxaa kala Qeybsan Jiray Puntland iyo Somaliland (Dhageyso)


Share
Taleex (RBC) Wasiirkii hore ee warfaafinta DKMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac ayaa khudbad ka jeediyey shirka Khaatumo 2 ee ka socda magaalada Taleex ee gobolka Sool, wuxuuna ka hadlay masiirka deegaanada SSC iyo kaalta ay ku leeyihiin Soomaaliya.
C/kariin ayaa ka sheekeeyay in mudadii uu xilka wasiirnimo ka hayey DKMG uu arkay waxyaabo fara badan oo uu la kulmay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen mashaariic horumarin oo loo waday deegaanada SSC oo loo dhiibay maamulka Puntland iyo kan Somaliland alse inay soo dhaafi waayeen Garowe iyo Hargeysa.
C/kariin ayaa sidoo kale tilmaamay in Puntland iyo Somaliland ay heshiisyada shidaal baaris la soo galeen dawladaha iyagoo ujeeda kheyraadka deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya oo hadda ka qeybgalaya shirka Khaatumo 2 ayaa soo jeediyey in beelaha deegaanada SSC ay midoobaan ayna muhimada koowaad siiyaan midnimadooda ka dibna ay u duubtaan midnimada Soomaaliya.
Wuxuu xusay in maamul la’aan aysan jirin wax gobol iyo qabiil u socon kara, maamulada hadda jirana ay yihiin kuwo magacyo qabiil u adeegaya.
Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay dad uu sheegay in reer SSC ka mid yihiin oo raba in shirka Taleex wax ka duwan rabitaanka dadka ay ka soo baxaan isagoo maamulada Puntland iyo Somaliland ku tuhmay inay ku dadaalayaan carqalaeynta shirka Taleex ka socda.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...