Friday 20 January 2012

Hoggaanka SSC Saleebaan Xaglatoosiye oo Kasoo Horjeestay Maamulka Khaatumo State Kuna Baaqay Shir Nabadeed oo Deg Deg ah[Warbixin]


Share
Boosaaso[RBC Radio] Hoggaamiyaha  SSC Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar[Xaglatoosiye] ayaa si weyn uga hor yimid Mas’uuliyiinta cusub ee Maamulka Khaatumo State ee lagu dhawaaqay,waxaana uu ka dhawaajiyey in Shirkii ka socday degmada Taleex ay ka  leexiyeen hannaankii loogu talagalay Siyaasiyiin uu kamid yahay Cali Khaliif  Galaydh.
Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar[Xaglatoosiye] ayaa sheegay isaga oo la hadlaayey laanta Af- Soomaaliga ee BBC-da in Shirka aysan habayaraatee aysan kasoo bixin wixii ay ka sugaayeen Shacabka SSC.waxaana dhacay buu yiri afduub iyo majaro habaabin lagu sameeyey Shirka taas oo ay ka danbeeyeen Shakhsiyaad gaar ah oo madasha joogay kana mid yahay Cali Khaliif Galaydh.
…”Shirku waxa uu ahaa mid qabiil oo beesha Dhulbahante isugu timid runtii waan ka xumahay ujeedooyinkii iyo doonistii Shacabka dhulbahante ku salaysnaa  Shirkaas lama qaadan oo kama aysan soo bixin,waxaana dhacay afduub iyo majara habaabin waxayna u dalbadeen Maamul goboleed buuxa hase yeeshee taas waxaa diiday shakhsiyaad gaar ah meesha joogay…”ayuu yiri
Hoggaamiyaha SSC Saleebaan Xagletoosiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in doonistii Shacabka laga leexdo taas oo ku macneeyey in aysan Shacabku waxba dooran balse Shakhsiyaad gaar ah ay magacowdeen Maamulka hadda jira,waxaana uu sheegay in dadka habayaraatee aan waxba laga weydiin hawsha socota.
…….”Ariinta kale ee yaabka leh ee dhacday waxa weeye een waxaynu arki jirnay umad marka ay isu timaado oo ay heshiiso dadka ay hawsha u dirsanayaan doorta ayaanu arki jirnay balse in la magacaabay oo shakhsiyaad gaar ahi magacaabeen oo dad ayagu ay doonayaa sidii Raysalwasaare ama Madaxweyne magacaabaya dad uu hawl u dirsanayo ayaa waxaa la magacaabay shakhsiyaad aan dadku dooran si cadaalad ah uma dhicin dadka waxba lama weydiin,niman gaar ah oo Cali Khaliif Galaydh uu kamid yahay ayaa magacaabay dad gaar ah…:ayuu yiri Xagletoosiye.
Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Shacabka SSC kagana tashanayaan masiirkooda in ay isugu yimaadaan ayuu ugu baaqay Hoggaamiyihu,waxaana uu xusay in aysan ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay.
 ….”Shirkii waa la khalday waxaan ugu baaqayaa Shacabka SSC in aanay ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay isuguna yimaadaan Shir deg deg ah oo aayahooda kaga tashanayaana isugu yimaadaan…..”ayuu yiri.
Mar la weydiiyey su’aal ahayd in Shirka uu isga qudhiisu uu joogay kana mid ahaa Madaxdii Shirka waxa uu ku diidayo hadda waxa kasoo baxay ayaa waxa uu sheegay in joogay ayna ku sugnaayeen dad badan oo meelo kala duwan ka yimid balse la afduubay Shirka kuwaas oo diiday rayi soo jeedintii Ergada keensadayna waxa ay iyagu wataan,iyaga ayaa magacaabay shakhsiyaadka hadda loomana cadeyn dadka lamana weydiin waxa ay rabaa iyo waxa ay diidan yihiin.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...