Saturday 7 January 2012

Horjoogaha ugu Sareeya Al-Shabaab oo Farriin u Diray Dadka ku Nool Puntland, Somaliland iyo Soomaali Galbeed (Warbixin)


Share
Muqdisho (RBC) Amiirka ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Shabaabka dhexdiisana loogu yeero Mukhtaar Abuu Zubeyr) ayaa farriin u diray dadka ku nool deegaanada Puntland iyo Somaliland isagoo ugu baaqay in maamulada ka hor yimaadaan.
Wareysi dheer oo xalay idaacadda Andalus ee afka Al-Shabaab ku hadasha ay siidaysay lana sheegay in uu ahaa wareysi laga soo duubay ayuu Axmed Godane ku tilmaamay maamulada hadda ka jira Puntland iyo Somaliland kuwo taag daran oo si fudud u burburi kara.
“Ugu horeyn waxaan leenahay dadka ku nool deegaanadaasi waa inay iska saaraan wahsiga iyo cabsida waayomaamuladaasi waa kuwo aad u taagdaran waqtigan la joogo” ayuu yiri Axmed Godane oo tusaale u soo qaatay kacdoonadii dadweyne ee sanadkii dhamaaday 2011 hareeray dunida Carabta xilkana looga tuuray hogaamiyaashii Carabta ugu awooda badnaa sida Mucammar al-Qadaffi iyo Xusni Mubaarak.
“Deegaanadaasi waxaa kajira dulmi iyo dadkii diinta iyo culimadii oo la dhibayo. Wax ay isdhamaan ma jirto kuwo hadda jooga iyo kuwii hore”, ayuu yiri mar uu si gaar ah uga hadlay maamulka Hargeysa kajira ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo.
“Nidaam kasta oo noocaasi ah waa xaqiiq inuu ridoobay oo uu diinta kabaxay”, ayuu hadalkiisa ku dii daray Godane oo soo qaatay Aayado Quraan ah.
Wuxuu intaa ku daray in cidii ka dooda arintaasi- xitaa ay culimo tahay ay iyana ku gaaloobeyso.
Dilkii Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan
Axmed Godane ayaan marnaba soo hadal qaadin dilkii Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo bishii Disembar bilawgeedii niman hubeysan ku dileen magaalada Boosaaso. Wariyihii wareysanayey ma uusan weydiin su’aal dilka Sheekh Axmed la xiriirta.
Maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay in ay rag ka tirsan Al-Shabaab u qabteen dilkii Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan kaasooo Puntland ay ku eedeysay Al-Shabaab.
Reer Puntland iyo Al-Shabaab
“Si guud waxaan u dardaarmayaa inay Alle ka cabsadaan xaqana ku taagnaadaan” ayuu yiri Axmed Godane. Wuxuu sheegay inuu isagu u arko dadka ku nool Puntland inay yihiin “mustadcafiin” [dad laga awood badan yahay], siduu hadalka u dhigay.
Amiirka Al-Shabaab wuxuu isagoo sideganu hadlaya soo tiriyey magacyo dad uu sheegay inay ka soo jeedaan Puntland iyo Somaliland oo ku “shahiiday” dagaaladii ka dhacay dalka ee ay horseedka ka ahayd kooxdaAl-Shabaab.
“Waxaan xusuusin lahaaa bulshada ku dhaqan Puntland inay xusuusnaadaan kaalintii ay “JIHAADKA” ku lahaayeen inaan marnaa jidkii walaalaheen sida walaalkeen SHEEKH BASHIIR, MAXAMED CABDI FAARAX, SHEEKH C/LAAHI, SHEEKH KHOZT“, ayuu yiri Axmed Godane.
Deegaanka Soomaali Galbeed
Axmed Godane waxaa wax laga weydiiyey heshiiskii dhexmaray jabhada UWSLF ee dagaalka kula jirtay dawlada Ethiopia iyo saameynta Al-Shabaab ay ku yeelatay arintaasi.
“JIHAADKII Soomaali Galbeed wuxuu ahaa mid taariikh leh waana meeshii asalka u ahayd mujaahidiinta sida jihaadkii “HALOWIN oo ay ku shahiideen rag ay ka midahaayeen SHEEKH MUSTAF CARAB, C/LAAHI DAAUUD” ayuu yiri Axmed Godane.
Wuxuu ugu baaqay dadweynaha Soomaali Galbeed inay hubka qaataan ayna dagaalka sii wadaan isagoo “kooxo khiyaanoolayaal ah” ku tilmaamay hogaanka UWSLF ee heshiiska nabadeedsanadkii 2010 la gashay Ethiopia.
Wareysigan oo ay siidaysay idaacada Andalus ee ku hadasha AfkaAl-Shabaab ayaa ka koobnaa dhowr saacadood. Waxaana xalay idaacadu sheegtay in wareysiga uu ahaa kulankii ugu horeeyey ee Axmed Cabdi Godane uu la yeesho qof wareysi ka qaadaya.
Axmed Cabdi Godane oo ah nin aad ugu xiran hogaamiyaasha Al-Qaacida ayaan marnaba iman meelaha fagaarayaasha ah xitaa marka ay masuuliyiinta Al-Shabaab ka khudbeynayaan, lamana hadlo warbaahinta ee wuxuu soo duubaa cajadalo kuwaasoo warbaahinta loo soo diro. Lama oga waxa looga dan leeyahay kulanka inuu Axmed Godane aqbalo kulankan, inkastoo idaacadda Andalus ay tahay mid ku hadasha Afka Al-Shabaab.
RBCRadio
Xafiiska wararka Muqdisho
Sii Akhri Faalada dadweynaha 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...