Friday 6 January 2012

Ictisaam oo ku baaqaya in dhiig muslim la daadiyo tuhun awgiis (MAQAAL)


Written by Administrator on .
Dilkii fooshaxumaa ee loo geystay Allah ha u naxariistee Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ka dib waxaa iska daba imaanayey eedeymo ku wajahan mujaahidiinta Alshabaab, kuwaasoo aanan wax  caddeymo ah loo heynin. Iyadoo ay tahay dambi aad u weyn in dil qof muslim ah loo tiiriyo qof ama urur iyadoo aanan wax bayyina ah loo heynin, baa hadana waxaaney aheyn wax uu  qof mas’uul ah ama diin leh uu ku hadlo.

Culumada Ictisaam waxey ku dhaceen khalad aad u wayn oo aaney ka fiirsan, kaasoo ah in ay hadleen hubaal horteed. Waxey ku baaqeen in dhiig muslim oo fara badan lagu daadiyo tuhmo. Haba dagdagaane halkii ay ka sixi lahaayeen ama cudurdaar ka bixin lahaayeen fudeydkii ka dhacey ayey waxa ay doorbideen in ay taagnaadaan mawqifkaas fadeexada ah iyagoo faramaran.


Dagdaggoodu wuxuu gaarsiiyey illaa heer ay ka sugi waayaan jawaabta dadkii dhiigga loo heystay. Waxey qaarkood iclaamiyeen in dagaal lala galo mujaahdiinta Alshabaab. Hadaba aaway diintii, aaway masaalixdii, aaway hubsiinyadii, aaway fitantii, aaway ilaalintii daadinta dhiigga muslimiinta? Aaway xittaa taagdarridii ay uga tageen Jihaadka gaalada? Waxaasoo dhan waxey Ictisaam ka dhigeen aalad ay isticmaalaan marka la iska dhicinayo cadow shisheeye ah. Haddase caqli ma shaqeynayo, diin looma hoggaansamayo, masaalix lama fiirinayo, dhiig muslim oo sii daata lagama hortagayo, fitno la iskama ilaalinayo, tabartii loo waayey shisheeyaha soo duuley oo dhiig badan oo muslim daadiyey, baa looga hortagayaa dad muslimiin ah oo uu tuhun galey.


Waxaa culumada Ictisaam ka mawqif iyo hadal wanaagsanaadey odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed.


Culumada Ictisaam waxey sheegaan, sababta ay Alshabaab ugu tuhmeen dilka Sheekh Axmed Allah ha u naxariistee in uu yahay in ay SMS-yo (farriimaha teleefoonnada gacanta) loogu gooddinayo loo soo diro. Waxey sheegaan in mararka qaarkood waraaqo loo soo qoro ama teleefonkooda si toos ah loo soo waco.
Wuxuu  aniga uu ii sheegay qof mujaahidinta ka soo horjeeda in ay jiraan dhallinyaro marka ay culumadu hadlayaan iskaga kaca masaajidka kuwaasoo  is tusiya  culumada oo si kulul inta ay u eegaan ka baxa masjidka. Waxey ka dhigan tahay hanjabaad.

Runtii waa wax jira in culumada Ictisaam ay la kulmaan hanjabaad. Waa wax laga naxo oo diinteenna ay reebayso. Laakiin haddaan waaqica daraaseyno :

1.    Maxaa sababaya caga-jugleyntaasi joogtada ah?
2.    Dadka sms-yada dira ma Alshabaab baa?
3.    Maxaa xal u ah musiibadaan soo korodhay?
4.    Yaa qaadaya mas’uuliyadda natiijada ka dhalan karta hanjabaadda?

Jawaabta su’aasha koowaad baa waxaa laga helayaa xaaladda uu ku sugan yahay waddanka  iyo sida ay ula falgalayaan Soomaalida ku kala aragtida duwan. Qaar waa shisheeye kalkaal, qaarna waa gumeysidiid. Labadan qolo waxaa ka dhexeeya dagaal ba’an oo aan wax la isu reeban. Waxa la isku haysto waa yaa dalka iska leh oo ka talinaya? Ma kalimadda Allah baa kor noqon oo meel mari mise kalimadda Zanaawi baa kor noqon oo meel mari? Soomaalida gumaysidiidka ah  ayaa hor istaagay in uu waddanka ka taliyo shisheey-kalkaal dibedda laga soo amro. Gumaysidiidku aad ayey u fara badan yihiin, meel walbana way ka joogaan dalka. Waxaa ka mid ah mujaahidiin, macallimiin, culumo, caamo, aqoonyahanno, ganacsato, rag, dumar, caruur iyo cirroole.

Xaaladda uu dalku ku jiro waxey culumada Ictisaam ka istaageen mawqif aad u liita. Waxey maslaxo u arkeen in Soomaali ay gumeysi gasho, oo shisheeye-kalkaalku ka taliyo waddanka, loona hogaansamo dawladaha cadawga ah. Waxey garab istaageen shisheeye-kalkaalka. Waxey ka soo horjeesten gumeysidiidka Soomaaliyeed gaar ahaan mujaahidiinta. Waxey wax walba oo xun ku sheegeen mujaahidiinta iyo hawlgalladooda ku wajahan cadawga iyo cumalladiisa.


Sidaan hore u soo sheegay waxaa meel walba jooga dad gumeysidiid ah oo aad uga xun taageerada culumada Ictisaam ay la garab taagan yihiin cadawga ku soo duulay dalka. Waxaa mararka qaarkood dhacda in ay qaar dabeecad qallifsan u goodiyaan culumada Ictisaam. U fiirsada walaalayaal hadalkeyga, ma lihi gumeysidiidka ayaa ka dambeeya dilka Dr Axmed Xaaji C/raxman Allah ha u naxariistee, maxaa yeelay illaa hadda lama hubo cidda ka dambeysey. Ee waxaan leeyahay, qaar yaroo qallifsan oo ka mid ah  gumeysidiidka ayaa waxey ka dambeeyaan hanjabaadda culumada Ictisaam iyagoo ka gubanaya waxa ay ka maqlayaan.


Waxaan leeyahay, inta aan caadifada meel iska dhigno, aan waaqaca sida uu yahay u waajahno. Waxaa jira dad badan oo aan Alshabaab aheyn, oo Soomaali weyn ka mid ah oo gumeysidiid ah, oo aan u dulqaadan karin taageerada ay Ictisaam u fidinayaan shisheeye-kalkaalka iyo xadgudubka ay ku hayaan Mujaahidiinta difaaceysa dalkooda, dadkooda iyo diintooda.


Waxa aan ka faalloonayo waa xaqiiqo jirta. Waxaan ahay saxafi. Baaritaan aan sameeyay ka dib waxaan soo bandhigayaa dhacdooyin xaqiiqa ah iyo waxyaabaha sababaya. Qoraalkeygaan cidna wax kuma aan farin, cidina wax kama aan reebin. Waxaan leeyahay cabsida culumada Ictisaam soo wajahdey waxa ay uga imaneysaa ma aha Alshabaab ee waa Soomaaliweyn ka soo horjeedda hadalladooda, bayaannadooda iyo fataawadooda ay ku taageerayaan cadawga ku soo duulay dalka isla markaana ay ku wiiqayaan awoodda dadka yar ee difaaca dalka u istaagay. Ictisaam waxaa mawqifkooda ku khilaafsan qaar ka mid ah carruurtooda, ardeydooda, asxaabtooda, dumarkooda, dariskooda, aqoonyahannadooda, ganacsatadooda, odayaashooda.


Tusaale yar aan idin siiyo. Sheeh Cabdulqaadir Nuur Faarax wuxuu ku baaqey in la iska dhiciyo Alshabaab, tuhun awgiis. Dhinaca kalana cadawga Soomaaliya oo shirey ayuu wuxuu kula dardaarmey in ay midoobaan oo ayan is khilaafin. Dadka uu leeyahay midooba oo ha is khilaafina waa Mahiga, Amisom, Itoobiya, Kenya, DKMG, maamul-goboleedyada IWM.  Waxaa la is weydiin karaa talow yey u midoobayaan?
Hadda miisaankii toosnaa muran baa galay, laakiin haddii la isku raaci lahaa in Mahiga, Itoobiya, Kenya iyo Amisom yihiin shisheeye cadaw ah. In mashruucyada isku dhacsan ee ay soo dhisteen loo jamciyo oo loo rajeeyo midow oo laga dhowro khilaaf, miyaaney khiyaano wadan noqon laheyn.

Anigoo marna aan jeclayn in uu hadalka ila dheeraado ayaa waxan ku soo koobayaa in culumada Ictisaam iyaga ay sabab u yihiin cabsida soo waajahday maxaa yeelay Soomaali careysan oo la gumaado iyagoo dhex dagan ayey waxey doonayaan in ay eedeeyaan dadkaa laga gardaran yahay oo ay garbaduubaan oo ay cadawgii gumaadayey u dhiibaan.


Gabagabadii waxaan leeyahay culumada Ictisaam waxaa halkaa dhigey waa Ta’wiil khaldan. Waxay maslaxo u qaateen wax umadda halaagaya (is dhiibid). Waxaan ka digayaa in wax dhibaato ah loo geysto culumada Ictisaamka haba yaraatee. Xittaa hanjabaaddu ma bannaana. Khilaafka inoo dhexeeya waxaan ku dhameyneynaa xujo iyo bayaan insha’allah. Intaas ka horna waan u duceyneynaa, Allaan u baryeynaa in uu cadawga u tuso cadaw kuna hanuuniyo iska dhicintiisa, sukeeyahana u tuso sukeeye kuna hanuuniyo soo dhoweyntiisa. Allah isagaa arrintaas leh isla markaana awooda.

Culumada oo Fadhida Shirkii Shirqoolka ahaa ee Garoowe

Qore Maxamud Siciid Nuur.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...