Xaflad qado Sharaf ahayd oo lagu Furaayey Ceelka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole,golihiisa Wasiirada,Madaxweynihii hore ee Puntland Jeneraal Cadde Muuse Xirsi ,Isimo,waxgarad,saraakiil ,Madaxda Shirkada African Oil ee baareysa Shidaalka iyo marti sharaf kale.
Madaxda Shirkada African Oil ee Shidaalka ka baareysa Dooxada Dharoor loona bixiyey Ceelka Shabeelle 1 David Grellman iyo Kith Hill ayaa faah-faahin ka bixiyey soo saarida Shidaalka,waxaana ay tilmaameen in muddo 90-cisho ay kusoo saari doonaan iyagoona bulshada u rejeeyey horumar balaaran.
Saxafiga weyn ee Siciid Faarax-yarre oo Xaflada xirriirinaayey ayaa kusoo dhaweeyey Madaxweyaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole si uu hadalo kooban uga soo Jeediyo Xaflada,waxaana uu sheegay in ay Xaqiiq noqotay riyadii Shidaal lana joogo qarnigii 21-aad kaas oo si rasmi ah usoo baxaayo Shidaalku.
…’Hawsha halakan maanta taala waxa ay u baahneyd Xoolo badan oo aynaan inagu heli karin reer Puntland iyo Soomaaliya midna sidoo kalena waxa ay u baahneyd aqoon iyo teknoloojiyad iskaashaday dad dibadeed ayaa keenay …”ayuu yiri Faroole.Faroole sidoo kale waxa u sheegay mar haddii ay Xukuumadii yihiin ayna ka wakiil yihiin Shacabka ay dhamaystiri doonaan labadooda oo iskaashanaya inta dhiman ee loo baahanyahay in wax laga qabto.
Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo isna hadalo ka jeediyey ayaa tilmaamay in Guul usoo hoyatau ay u tahay Shacabweynaha Puntland,taas oo ay ku horumari karaan khayraadka dhulkooda,waxaana uu mahadnaq balaaran usoo Jeediyey Shirkadda African Oil.
Intaas ka dib ayaa Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole uu si rasmi ah Xariga uga jaray riiga qoadaya Shidaalka,waxaana ay kormeer kusoo mareen qeybaha kala duwan ee xarunta.










Goor dhow Filo Sawirro badan iyo Codad.
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso
No comments:
Post a Comment